{"id":22612,"date":"2014-09-02T19:06:00","date_gmt":"2014-09-02T16:06:00","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22612"},"modified":"2014-09-02T19:17:24","modified_gmt":"2014-09-02T16:17:24","slug":"mareykan-oo-sheegay-in-ay-amisom-ka-caawin-doonaan-duqeymahaiyo-faahfaahin-ku-saabsan-weerarkii-sh-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/09\/mareykan-oo-sheegay-in-ay-amisom-ka-caawin-doonaan-duqeymahaiyo-faahfaahin-ku-saabsan-weerarkii-sh-hoose\/","title":{"rendered":"Mareykanka Oo Sheegay In Ay AMISOM Ka Caawin Doonaan Duqeymaha,Iyo Faahfaahin Ku Saabsan Weerarkii SH. Hoose"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/drownes.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/drownes-300x168.jpg\" alt=\"drownes\" width=\"300\" height=\"168\" class=\"alignleft size-medium wp-image-22619\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/drownes-300x168.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/09\/drownes.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a>Ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan duulaanka cusub ee AMISOM ku qaaday goobaha ay fadhiyaan xoogaga Al Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasaarada Gaashaandhiga ee Dowlada Maraykanka Pentagon ayaa shaaciyey inay duqeynta dhanka cirka ah oo ay u adeegsadeen diyaaradaha Droneka ay ku taageereen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ee la dagaalamaya Al Shabaab.<\/p>\n<p>Maraykanka ayaa horey uga waday qeybo kamid ah dalka Soomaaliya duqeymaha lala bartilmaamsado dagaalyahanada Al Shabaab hogaankooda, balse waa markii ugu horeysay oo Maraykana uu si toos ah uga qeyb qaato hawlgalka AMISOM ee hada ku wajahan magaalada Barawe.<\/p>\n<p>Hogaanka Militariga AMISOM ayaa sheegay inay qorsheenayaan in maalmaha soo socda ay la wareegaan magaalada Barawe oo ah xarunta ugu weyn ee weli gacanta ugu jirta dagaalyahanada Al Shabaab.<\/p>\n<p>Magaalada Barawe ayaa hada ah goob ay ku sugan yihiin in badan oo kamid ah hogaanka iyo taliska Al Shabaab iyo waliba qoysaskooda, dekkada Barawe ayaa sidoo kale mid weli u shaqeysa Al Shabaab oo ay wax kala soo degaan.<\/p>\n<p>Dhinaca kale dagaalka ayaa la filayaa in uu ku fido gobalada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan oo ay iyagun hawlgalka bilaabeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya, iyada oo ay ciidamada is-bahaysanaya ay ku dhawaadeen magaalada Istaatijiga ah ee Jalalaqsi<\/p>\n<p>Qorshaha dagaalkan cusub ayaa ah in la isku xiro gobalada Hiiraan, Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose, Bay iyo Bakool. Waxaana la filayaa in qorshahaasi uu xigi doono hawlgalo kale oo laga sameeyo gobalada uu ka kooban yahay maamulka Jubaland ee Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubbada Hoose.<\/p>\n<p>Todobaadkan Dowlada Federaalka ayaa ku guuleysatay inay Muqdisho keento Col.Bare Hiiraale oo horey fariisin u ahayd Goobweyn isla markaana dagaal kula jiray maamulka Jubaland. Arrintaasi oo caqabad ku noqotay hawlgalkii Al Shabaab looga saarayey qeybo kamid ah gobalada Jubooyinka, Waxaana Barre iyo cidamadiisuba oggolaadeen in ay isu dhiibaan AMISOM sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM,<\/p>\n<p>Waxaana la qorsheeyey in dhawaan ay ciidamada AMISOM ee Jubooyina oo ay garab siinayaan ciidamada maamulka Jubba ay bilaabaan dhaq-dhaqaaq militari oo ka dhan ah Al Shabaab.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan duulaanka cusub ee AMISOM ku qaaday goobaha ay fadhiyaan xoogaga Al Shabaab ee koonfurta Soomaaliya. Wasaarada Gaashaandhiga ee Dowlada Maraykanka Pentagon ayaa shaaciyey inay duqeynta dhanka cirka ah oo ay u adeegsadeen diyaaradaha Droneka ay ku taageereen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ee la dagaalamaya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22612","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22612","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22612"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22612\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22622,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22612\/revisions\/22622"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22612"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22612"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22612"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}