{"id":22580,"date":"2014-08-31T14:28:09","date_gmt":"2014-08-31T11:28:09","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22580"},"modified":"2014-08-31T14:58:08","modified_gmt":"2014-08-31T11:58:08","slug":"wararkii-ugu-dambeeyay-weerarkii-xarunta-godka-jilacow-oo-lasoo-afjarayiyo-al-shabaab-oo-sheegatay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/08\/wararkii-ugu-dambeeyay-weerarkii-xarunta-godka-jilacow-oo-lasoo-afjarayiyo-al-shabaab-oo-sheegatay\/","title":{"rendered":"Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Godka Jilacow,Iyo Al-shabaab Oo Sheegatay In Ay Sii Daayeen Maxaabiis Halkaasi Ku Jirtay."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Xarunta Godka Jilacow Ee Gudaha magaalada muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan ay dhinteen sideed qof kaddib weerar lagu qaaday xarunta sirdoonka ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dagaal yahaniinta Al-shabaab ayaa sheegay inay siideeyeen maxaabiis ku xirneyd halkaasi.<br \/>\nWararka la xiriira<br \/>\nBariga Afrika<\/p>\n<p>Boolska Soomaaliya ayaa sheegay in qarax weyn uu dhacay, markaasi kaddib rasaas ay kooxda weerarka qaaday ku fureen dhismaha ciidamada sirdoonka.<\/p>\n<p>Weerarkan ayaa dhacay iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday duulaan ka dhan ah kooxda Al-shabaab.<\/p>\n<p>Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa shalay weerar ku qaaday deegaano ay Al-shabaab maamulaan, waxayna gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah deegaanadaasi.<\/p>\n<p>Waxaa soo dhamaaday dagaalkii iyo qaraxii Al Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Nabadsugida Gobalka Banaadir ee Godka Jilicoow, oo 12:00 Duhurnimo ee maanta ay galeen rag Al Shabaab ka tirsan.<br \/>\nKu dhawaad hal saacadood ayuu socday dagaalka, wuxuuna ku biloowday markii hore qarax la sheegay in gaari loo adeegsaday oo lagu galay koontaroolka koowaad ee Godka Jilicoow laga ilaaliyo, gaar ahaan dhanka xiga Daljirka daahsoon ee Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkaasi, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in kooxihii goobta soo weeraray la dilay oo meydkooda ay yaalaan xarunta dagaalka uu ka dhacay.<\/p>\n<p>Lama oga dhanka ciidamada Nabadsugida khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray, sidoo kale waxaa la sheegaya in dad shacab ah uu khasaaro soo gaaray, laakiin ilaa hada lama haayo tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca.<br \/>\nSaraakiisha Hay\u2019adda Nabadsugida Gobalka Banaadir weli kama aysan hadlin weerarkaan cuslaa ee maanta lagu galay xarunta Nabadsugida Gobalka Banaadir oo kamid ah goobaha sida weyn ammaankooda loo ilaaliyo.<\/p>\n<p>Xaalada ayaa hada degan, waxaana goobta buux dhaafiyay gaadiidka dagaalka ciidamada Nabadsugida Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya.<br \/>\nAl Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan maanta lagu qaaday Xarunta Nabadsugida ee Gobalka Banaadir.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Xarunta Godka Jilacow Ee Gudaha magaalada muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan ay dhinteen sideed qof kaddib weerar lagu qaaday xarunta sirdoonka ee Soomaaliya. Dagaal yahaniinta Al-shabaab ayaa sheegay inay siideeyeen maxaabiis ku xirneyd halkaasi. Wararka la xiriira Bariga Afrika Boolska Soomaaliya ayaa sheegay in qarax weyn uu dhacay, markaasi kaddib rasaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22580","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22580","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22580"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22580\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22585,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22580\/revisions\/22585"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22580"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22580"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22580"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}