{"id":22566,"date":"2014-08-30T22:18:45","date_gmt":"2014-08-30T19:18:45","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22566"},"modified":"2014-08-30T22:18:45","modified_gmt":"2014-08-30T19:18:45","slug":"rag-shabaab-ka-tirsan-oo-xukun-dil-ah-lagu-ridaykadib-markii-ay-xabsiga-dhexe-ku-dileen-askari-ka-tirsanaa-dowlada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/08\/rag-shabaab-ka-tirsan-oo-xukun-dil-ah-lagu-ridaykadib-markii-ay-xabsiga-dhexe-ku-dileen-askari-ka-tirsanaa-dowlada\/","title":{"rendered":"Rag Shabaab Ka Tirsan Oo Xukun Dil Ah Lagu Riday,Kadib Markii Ay Xabsiga Dhexe Ku Dileen Askari Ka Tirsanaa Dowlada"},"content":{"rendered":"\n<p>Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ,waxa ay xukun dil ah ku riday rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Xoogaga Al shabaab ee Dowladda kasoo horjeeda.<\/p>\n<p>Ragan ayaa lagu eedeeyay in xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho ay horay ugu dileen Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay racfaan ka qaateen xukun horay maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay horay ugu riday.<\/p>\n<p>Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida oo maanta xukunkaan u fariisatay ayaa dhankeeda ku raacday xukunkii hore ee dilka ahaa oo ragan ay ku riday maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya.<\/p>\n<p>Afhayeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C\/laahi Maxamed Muuse (Keyse) oo Warbaahinta u aqriyay ragan xukunka lagu riday, ayaa sheegay in maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ay ku raacday xukunkii maxkamada darajada koowaad ee ahaa dil in ragaasi lagu fuliyo.<\/p>\n<p>Raga la xukumay ayaa magacyadooda wuxuu ku kala sheegay Farxaan Maxamed Cusmaan,Xasan Faarax,Maxamed Qadar, C\/raxmaan Daahir Faarax,C\/qaadir Aweys ,Faarax Aadan Dhoore iyo ruux kale oo tirada dadka la xukumay ka dhigaya 7-ruux.<\/p>\n<p>Afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ragan ku eedeeyay in guud ahaan amniga qaranka Soomaaliya ay Qatar ku yihiin, ayna u adeegayeen Kooxda Nabad-diidka ah ee Shabaab sida uu yiri.<\/p>\n<p>Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dar-dargelisay xukunada kala duwan ay ku rideyso raga lagu eedeeyay inay Shabaab ka tirsan yihiin. \t <\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ,waxa ay xukun dil ah ku riday rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Xoogaga Al shabaab ee Dowladda kasoo horjeeda. Ragan ayaa lagu eedeeyay in xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho ay horay ugu dileen Askari ka tirsan ciidamada Dowladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22566","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22566","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22566"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22566\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22567,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22566\/revisions\/22567"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22566"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22566"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22566"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}