{"id":22536,"date":"2014-08-28T20:35:29","date_gmt":"2014-08-28T17:35:29","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22536"},"modified":"2014-08-28T20:35:29","modified_gmt":"2014-08-28T17:35:29","slug":"bare-hiiraale-oo-ogolaaday-wadahadalkii-jubaland-oo-uu-hogaamiyo-axmed-madowe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/08\/bare-hiiraale-oo-ogolaaday-wadahadalkii-jubaland-oo-uu-hogaamiyo-axmed-madowe\/","title":{"rendered":"Bare Hiiraale Oo Ogolaaday Wadahadalkii Jubaland Oo Uu Hogaamiyo Axmed Madowe"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/08\/Bare.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/08\/Bare-300x155.jpg\" alt=\"Bare\" width=\"300\" height=\"155\" class=\"alignleft size-medium wp-image-22537\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/08\/Bare-300x155.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/08\/Bare.jpg 348w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><br \/>\nCol. Barre Aadan Shire (Bare Hiiraale) oo hogaaminayey kooxdii kasoo horjeesatay dhismihii maamulka Jubaland in muddo ahna ciidamo uu hogaaminayo ku sugnaayeen magaalada Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa ogolaaday waan waan inuu la galo maamulka Jubaland.<\/p>\n<p>Shirka dib u heshiisiinta ayaa ka dhici doona magaalada Kismaayo, wuxuuna Col.Bare Hiiraale sheegay inay shirkaasi si shuruud la\u2019aan ah uga qeyb geli doono.<br \/>\nCol.Bare Hiiraale oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ogolaaday in ciidamadiisa dib loogu cesho magaalada Kismaayo isla markaana uu qeyb ka noqdo dib u heshiisiinta uu sheegay inay wado dowlada Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Go\u2019aanka Bare Hiiraale ayaa kusoo beegmay xili ay booqdeen deegaanka Goobweyn wafdi ka socda Dowlada Federaalka, IGAD, Itoobiya iyo AMISOM. <\/p>\n<p>Wafdiga ka socday dowlada Federaalka ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullahi Goodax Bare, Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Faarax Cabdulqaadir, Ergayga IGAD Maxamed Cabdi Afey iyo xubno kale oo uu ku jiray Gen.Gabre oo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo horaantii sanadkan ku biiray kuwa AMISOM.<\/p>\n<p>Col.Bare Hiiraale ayaa muddo ka badan hal sano ku sugnaa deegaanka Goobweyn wuxuun horey marar badan u diiday wadahadalkii nabada ee dhankiisa iyo dhinaca maamulka Jubaland iyo waliba dadaalo ay wadeen Issimada beesha uu kasoo jeedo.<br \/>\nMacada waxa xiligan kusoo beegay in Col.Bare Hiiraale ku aqbalo wadahadal si shuruud la\u2019aan ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Col. Barre Aadan Shire (Bare Hiiraale) oo hogaaminayey kooxdii kasoo horjeesatay dhismihii maamulka Jubaland in muddo ahna ciidamo uu hogaaminayo ku sugnaayeen magaalada Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa ogolaaday waan waan inuu la galo maamulka Jubaland. Shirka dib u heshiisiinta ayaa ka dhici doona magaalada Kismaayo, wuxuuna Col.Bare Hiiraale sheegay inay shirkaasi si shuruud [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22536","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22536","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22536"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22536\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22538,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22536\/revisions\/22538"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22536"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22536"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22536"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}