{"id":22415,"date":"2014-08-07T16:43:05","date_gmt":"2014-08-07T13:43:05","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22415"},"modified":"2014-08-07T16:43:50","modified_gmt":"2014-08-07T13:43:50","slug":"general-indha-qarshe-oo-sheegay-in-maalmaha-soo-socdo-uu-bilaaban-doono-wejiga-2-aad-ee-howlgalada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/08\/general-indha-qarshe-oo-sheegay-in-maalmaha-soo-socdo-uu-bilaaban-doono-wejiga-2-aad-ee-howlgalada\/","title":{"rendered":"General Indha-Qarshe Oo Sheegay In Maalmaha Soo Socdo Uu Bilaaban Doono Wejiga 2-Aad Ee Howlgalada"},"content":{"rendered":"<p>Daahir Aadan Cilmi (General <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/08\/indha.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/08\/indha.jpg\" alt=\"indha\" width=\"300\" height=\"197\" class=\"alignleft size-full wp-image-22416\" \/><\/a><br \/>\nIndha-qarshe) oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu bidhaamiyay in Ciidanka Dowladda iyo Amisom, ay u diyaar garoobeen hawlgalo maalmaha soo socdo lagu qaado Ururka Al Shabaab.<\/p>\n<p>Taliyaha, ayaa sheegaaya in hawlgaladaan lagu beegsan doono dhulka ay Al Shabaab ka joogto Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya, wuxuuna iclaamiyay in muddo laba bilood oo kaliya looga saari doono.<\/p>\n<p>General Daahir Aadan Cilmi, ayaa aaminsan in awooda Shabaabka ay sii wiiqmeyso, isla-markaana uu soo yaraanaayo dhulka ay kaga sugan yihiin Koonfurta iyo Bartamaha ee Wadanka.<\/p>\n<p>Waxa uu intaa ku daray in Amisom iyo Ciidanka Xooga Dalka, ay xal u helayn khaladaad horey u dhacay, oo ay ugu horeyso dhulkii Shabaabka laga saaray in ay maanta xiran yihiin wadooyinkii loo mari lahaa, isla-markaana laga wada hadlay inaanay soo noqon go&#8217;doominta ka dhanka ah dhulka Shabaabka laga saaraayo.<\/p>\n<p>Sidoo kale wuxuu sheegay in dib loogu laaban doono Deegaanada horey Shabaabka looga qabsaday, balse ay markii dambe go&#8217;doomiyeen, isla-markaana ay ku hawlan yihiin sidii dib loogu furo lahaa wadooyinka ku xirmay.<\/p>\n<p>Dhanka kale General Indha-qarshe, ayaa waxa uu xusay in hogaanka hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, ay markasta lee yihiin Ciidanka Xooga Dalka, isla-markaana ay Amisom ku daba feeleyso.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii iclaamiyay in maalmaha soo socdo la qaadi doono gulufyo waaweyn, oo markaasi lagu qabanaayo dhulka ay Al Shabaab ka joogto Somaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Daahir Aadan Cilmi (General Indha-qarshe) oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu bidhaamiyay in Ciidanka Dowladda iyo Amisom, ay u diyaar garoobeen hawlgalo maalmaha soo socdo lagu qaado Ururka Al Shabaab. Taliyaha, ayaa sheegaaya in hawlgaladaan lagu beegsan doono dhulka ay Al Shabaab ka joogto Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya, wuxuuna iclaamiyay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22415","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22415","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22415"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22415\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22418,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22415\/revisions\/22418"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22415"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22415"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22415"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}