{"id":22402,"date":"2014-08-05T16:42:31","date_gmt":"2014-08-05T13:42:31","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22402"},"modified":"2014-08-05T16:42:31","modified_gmt":"2014-08-05T13:42:31","slug":"madaxweyne-xasan-shiikh-oo-ku-dhawaaqay-hindise-awood-siinaya-dhallinyarada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/08\/madaxweyne-xasan-shiikh-oo-ku-dhawaaqay-hindise-awood-siinaya-dhallinyarada\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ku Dhawaaqay Hindise Awood Siinaya Dhallinyarada."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/08\/xasaxn1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/08\/xasaxn1-300x200.jpg\" alt=\"xasaxn\" width=\"300\" height=\"200\" class=\"alignleft size-medium wp-image-22403\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/08\/xasaxn1-300x200.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/08\/xasaxn1.jpg 640w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/a><br \/>\n.Washington DC \u2013 Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ku dhawaaqay dhowr hindise oo ay ujeedadoodu tahay in awoodsiinta dhallinyarada.<br \/>\nMadaxweynaha oo Wawshington DC, oo hadda ku sugan Washington waxaa uu hoggaaminayaa Wafdiga culus oo Dowladda Soomaaliya uga qeyb gelaya shir Madaxeedka taariikhiga ah ee Afrika iyo Mareykanka.<br \/>\nSoomaaliya oo ka mid ah wadamada ugu dhallinyarada badan dunida,<br \/>\nwaxaa horyaallo arrimo adag oo ay ka mid yihiin in dhallinyarada la gaarsiiyo waxbarasho, loo abuuro fursado shaqo, la baajiyo soo jiidashada xagjirnimada iyo la kor loo qaado ka qeyb-galka ay dhallinyardu ka qeyb galeyaan dhammaan howlaha bulsho ee ay xukuumaddu waddo.<br \/>\n\u201cDhallinyarada Soomaaliya waa mustaqbalka Soomaaliya. Waxa ay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin waxa dhallinyarada kale ee dunida u baahan tahay oo ah: in ay si nabad ah ugu dhex lugeyn karaan magaalooyinkooda, in ay qaban karaan shaqooyin macna leh oo ay ka helaan dakhl ay ku caawiyaan reerahooda, in ay iswaafajiyaan hankooda iyo fursadahooda, iyo in ay si buuxda oo firfircoon uga qeyb galaan qorsheynta iyo fulinta hindisaha Soomaaliya lagu horumarinayo\u201d ayuu yiri Madaxweynuhu.<br \/>\n\u201cXukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed waxay da\u2019 yarta u abuuri doontaa fursado ay kaga maarmi doonaan dagaalka iyo cunfiga. Waxa aan ku han weynahay in aan shaaca ka rogo dhowr hindise oo aan dooneyno in aan si deg deg ah u fulinno\u201d Waxaa hindisayaashaas ka mid ah ayuu yiri Madaxweynuhu:<br \/>\n\u2022\t*Sameynta qaab awoodsiin dhallinyarada oo ay la socoto shuruucdii nidaamin lahayd iyo siyaasaaddii hagi lahayd. *<br \/>\n\u2022\t*Dejinta barnaamij shaqo abuuris iyo hal-abuurka dhallinyarada *<br \/>\n\u2022\tSameynta habka darajeynta jaamacadaha<br \/>\n\u2022\tXoojinta wakiillada dhallinyarada ee howlaha bulshada, siyaasadda iyo kuwa dowladeed ee heerarka deegaan iyo heer gobol<br \/>\n\u2022\tMagacaabid labo la-taliye oo dhallinyaro ah ee xafiiska Madaxweynaha ah<br \/>\n\u2022\tHoos-u-dhigga da\u2019da xadka qofka xafiis siyaasadeed loo dooranayo lagana dhigo 18;<br \/>\n\u2022\t*Isla meel-dhigidda Beertii Qaran ee ugu horreysey ee Soomaaliya oo ah hindise ay dhallinyaradu hagto si loo ilaaliyo mustaqbalka degaanka Soomaaliyeed, si mustaqbalkana loo abuuro fursado dalxiis. *<br \/>\n\u2022\tShaqo abuurka kalluumeysiga iyo maamulka habka nolosha badda ee sii jiri kara ee dhallinyarada bulshooyinka xeebaha deggan ee horey ugu tiirsanaa nolol ka soo gasha burcad-badeednimo.<br \/>\n\u2022\tTaageeridda dhisidda Guddiga Filimada Soomaaliyeed<br \/>\n\u2022\t Sare-u-qaadidda fursadaha lagu gaarayo adeegsiga internetka dheereeya ee fibre optics iyo kan mobiilka ee 3G ee Soomaaliya<br \/>\nShir-Madaxeedka US-Africa (4-6 August 2014) oo uu marti galiyey Madaxweyne Obama, waa dhacdadii ugu ballaarneyd ee uu Madaxweyne Mareykan ah weligii u qabto madaxda Afrika. Ujeeddadiisuna waa xoojinta xiriirka u dhaxeeya Afrika iyo Mareykanka. Shir-Madaxeedku waxa uu diiradda saarayaa ganacsiga, maalgashiga, nabadgalyada iyo hurumarka dimoqraadiyeed..<br \/>\n\u201cMareykanku waxa uu ka mid yahay saaxiibada ugu muhiimsan ee horumarka<br \/>\nSoomaaliya. Shir-Madaxeedkan oo uu hal-heyskiisu yahay *Maalgalinta<br \/>\nJiilka Soo Socda\u201d waxa uu ka turjumayaa nuxurka shaqada iyo mas\u2019uuliyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Dhowrka maalmood ee soo socda, wafdiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay saaxiibbadooda Mareykanka ay isla arki doonaan hababka lagu dardar gelin karo maalgashiga iyo kobaca Soomaaliya. Ujeeddadu waa in la furfuro fursadaha, si wanaagsanna la isugu xiro Soomaaliya iyo Mareykanka, iyada oo la abuurayo xaalad wax-tar u leh jiilka Soomaaliyeed ee soo socda\u2019 ayuu Madaxweynuhu ku soo gebagabeeyey.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>.Washington DC \u2013 Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ku dhawaaqay dhowr hindise oo ay ujeedadoodu tahay in awoodsiinta dhallinyarada. Madaxweynaha oo Wawshington DC, oo hadda ku sugan Washington waxaa uu hoggaaminayaa Wafdiga culus oo Dowladda Soomaaliya uga qeyb gelaya shir Madaxeedka taariikhiga ah ee Afrika iyo Mareykanka. Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ugu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22402","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22402","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22402"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22402\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22404,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22402\/revisions\/22404"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22402"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22402"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22402"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}