{"id":22260,"date":"2014-06-21T06:13:36","date_gmt":"2014-06-21T03:13:36","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22260"},"modified":"2014-06-21T06:13:36","modified_gmt":"2014-06-21T03:13:36","slug":"raiisal-wasaaraha-soomaaliya-oo-xusay-maalinta-qaxootiga-aduunka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/06\/raiisal-wasaaraha-soomaaliya-oo-xusay-maalinta-qaxootiga-aduunka\/","title":{"rendered":"RA\u2019IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA OO XUSAY MAALINTA QAXOOTIGA ADUUNKA"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa maanta xusay Maalinta Qaxootiga Adduunka, isagoo sheegay inuu salaan u dirayo dhammaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka iyo kuwa ku barakacay gudaha Dalka. Ra\u2019iisul Wasaaruhu wuxuu socdaal rasmi ah ku joogaa dalka Kenya, halkaas oo shirarka uu ka qeyb galay ay ku jiraan kuwo looga hadlay arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya. <\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu qaxootiga badan caalamka, taasina ay sabab u tahay dhibaatooyinka dalka ka jiray 23-kii sano ee la soo dhaafay. Hase ahaate, Ra\u2019iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay inuu dalku hadda ku joogo waddadii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkaas si dadka Soomaaliyeed ay u helaan meel nabad ah oo ay ku noqdaan.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan maalintaan loo asteeyey qaxootiga adduunka la qaybsanayaa ummadda Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah waddamadda dariska ah, dalalka kale ee caalamka, iyo barakacayaasha gudaha dalka jooga in ay xukuumaddani ku dadaalayso sidii aan dalka u gaarsiin lahayn heer ay dadku ku soo noqdaan nabad iyo wanaag. Dhibaatooyinkii ina soo gaaray 23-kii sano ee la soo dhaafay waan ka gudbi doonnaa haddi intaan Allah kaashanno aan u wada istaagno dadaalkaas,\u201d ayuu yiri R.W. Cabdiwali.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha wuxuu dalka Kenaya ku galay kulamo looga arrinsanayay sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee ku suagn dalka Kenya, siiba kuwa ku jira xeryaha qaxootiga, loogu fududayn lahaa inay dalkooda dib ugu soo noqdaan, iyadoo aan la khasbin.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan dalka Kenya iyo Hay\u2019ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) kala xaajoonaynaa sidii loo dhamaystiri lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee lagu soo celinayey qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Kenya. Ma ahan hawl fudud in qaxootiga Soomaaliyeed la soo celiyo, sababtoo ah waxay u baahan yihiin in loo diyaariyo goobo ammaan ah, guryo la dajiyo, shaqooyin loo abuuro iyo in loo sameeyo goobo waxbarasho iyo Caafimaad. Waxay xukuumaddani ku jirtaa dadaalkii loogu heli lahaa waxyaabahaas oo dhan,\u201d ayuu raacicay Ra\u2019iisul Wasaaruhu.<\/p>\n<p>Ugu dambayntii Ra\u2019iiusl Wasaaraha ayaa ugu baaqay kuwa wali u ooman in ay barakiciyaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan, sheegayna in lala xisaabtamayo dadka caadaystay barakicinta dadka maatada ah.<\/p>\n<p>RW wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka haraan tahriibka ay ku halligayaan naftooda, taa baddalkeedana ay ka qayb qaataan dib-u-dhiska iyo xasilinta dalkooda.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/20943.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/20943.jpg\" alt=\"20943\" width=\"275\" height=\"183\" class=\"alignleft size-full wp-image-22261\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa maanta xusay Maalinta Qaxootiga Adduunka, isagoo sheegay inuu salaan u dirayo dhammaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka iyo kuwa ku barakacay gudaha Dalka. Ra\u2019iisul Wasaaruhu wuxuu socdaal rasmi ah ku joogaa dalka Kenya, halkaas oo shirarka uu ka qeyb galay ay ku jiraan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22260","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22260","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22260"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22260\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22262,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22260\/revisions\/22262"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22260"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22260"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22260"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}