{"id":22240,"date":"2014-06-16T16:23:41","date_gmt":"2014-06-16T13:23:41","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22240"},"modified":"2014-06-16T16:23:41","modified_gmt":"2014-06-16T13:23:41","slug":"qasaaraha-weerarkii-ka-dhacay-kenya-oo-sii-kordhay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/06\/qasaaraha-weerarkii-ka-dhacay-kenya-oo-sii-kordhay\/","title":{"rendered":"Qasaaraha Weerarkii ka dhacay Kenya oo sii kordhay"},"content":{"rendered":"<p>Fafaahino dheraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar dagAalyahano Shabaab lagu tuhmayo ay ku qadeen Hoteelo, Maqaaxiyo iyo Xarumo dowaladeed oo ku yaala Magaalo Xebeedka  Mpekoni  oo ah Magaalo ay ku badanyihiin Dadka Kiristaanka ah .<\/p>\n<p>Mr Mwenda Njoka, oo ah Agaasimaha Xiriirka Wasaarada Arimaha gudaha dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in dadka ku dhintay weerar ay marayso tiradaooda 48 qof .<\/p>\n<p>Ku xigeenka Gudoomiyaha Magaalada Mpekoni  Mpeketoni Benson Maisori ayaa sheegay in dab la  qabadsiyay Hoteelo, Maqaaxiyo, Xarumo Bankiyeedyo, iyo xarumo dowladeed intaba oo Magaalada ku yiilay .<\/p>\n<p>\u201c Waxaa soo weeraray Magaalada 50 Dagaalyahano oo la socday 3 Baabuur waxayna ruxayeen Calanka  ama Raayada AL-Shabaab waxayna ku qaylinayeen Allahu Akbar Allahu Akbar  oo micnaheedu yahay Illahaybaa wayn\u201d ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Magaalada uu weerarku ka dhacay Benson Maisori oo Warbaahinta la hadlay.<\/p>\n<p>\u201c Dagaalku waxa uu bilowday Xalay waxa uuna socday ilaa iyo saaka aroortii hore waxa uuna ahaaa dagaal aad u culus\u201d ayuu hadalkiisa sii raaciyay Benson Maisori.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah dadka Degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka oo mudo socday ay u suurta gashay kooxihii Hubaysanaa in ay gacanta ay ku dhigeen, Xarumo dowladeed iyo kuwa ganacsi intaba , iyagoo intaasi ku daray in la arkayay Dayuurada dagaal oo Magaalada dulheehaabaya xili uu dagaalka socday oo ahayd xili dad badan ay ku mashqulsanayeen daawashada Koobka Aduunka ee Brazil ka socda.<\/p>\n<p>Afhayeenka Ciiidamada Milatariga Kenya Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in dowladiisu ay qaadayso Talabooyin lagu xaqiijinayo amaanka waxa uuna xusay in kooxaha Weerarka soo qaaday ay ka tirsan yihiin Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.<\/p>\n<p>Magaalada Mpekoni ee weerarku ka dhacay ayaa ah Magaalo ganacsi oo waxa ayna 30 KM kaga begantahay  koonfur galbeed Jaziirada Lamu oo ay isugu yimadaan dalxiisayaal Reer galbeedka u badan kana diwaan gashay UNESCO Hay\u2019adda dhaqanka aduunka .<\/p>\n<p>Weerarkan qasaaraha badan sababay ee Xalay ka dhacay Magaalada Mpekoni ee dalka Kenya ayaa ku soo aadaya xili dhawan qunsuliyadii dowlada Britain ay ku lahayd Magaalada Mombassa albaabada loo laabay cabsi amaankeeda laga qabo owgeed , iyadoo xusid mudantahay in dhawan dowlada Ingiriiska sidoo kale ay ka digtay Weeraro argagaxiso oo ka dhaca wadamada Ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya .<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/rabshado1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/rabshado1.jpg\" alt=\"rabshado1\" width=\"630\" height=\"400\" class=\"alignleft size-full wp-image-22189\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/rabshado1.jpg 630w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/rabshado1-300x190.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 630px) 100vw, 630px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Fafaahino dheraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar dagAalyahano Shabaab lagu tuhmayo ay ku qadeen Hoteelo, Maqaaxiyo iyo Xarumo dowaladeed oo ku yaala Magaalo Xebeedka Mpekoni oo ah Magaalo ay ku badanyihiin Dadka Kiristaanka ah . Mr Mwenda Njoka, oo ah Agaasimaha Xiriirka Wasaarada Arimaha gudaha dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in dadka ku dhintay weerar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22240","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22240","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22240"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22240\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22241,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22240\/revisions\/22241"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22240"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22240"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22240"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}