{"id":22231,"date":"2014-06-14T10:48:39","date_gmt":"2014-06-14T07:48:39","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22231"},"modified":"2014-06-14T10:48:39","modified_gmt":"2014-06-14T07:48:39","slug":"dowlada-uk-oo-xertay-qunsuliyadii-ay-ku-laheyd-dalka-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/06\/dowlada-uk-oo-xertay-qunsuliyadii-ay-ku-laheyd-dalka-kenya\/","title":{"rendered":"DOWLADA UK OO XERTAY QUNSULIYADII AY KU LAHEYD DALKA KENYA"},"content":{"rendered":"<p>Dowlada Britain ayaa Jimcihii shalay xertay qunsuliyadii ay ku laheyd dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa ee dalkaasi, iyadoo loo sababeeyay baqdin dhanka amniga oo laga qaaday magaaladaasi.<\/p>\n<p>Dhamaan adeegyadii Qunsuliyada ayaa la sheegay in loo wareejiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay maalintii shalay dowlada UK.<\/p>\n<p>\u201cIyadoo la tixraacayo isbedelada aan ku sameynay taladdii dhanka safarka Arbacadii, go\u2019aanka ayaa ah xeritaanka qunsuliyada aan ku laheyn Mombasa\u201dsidaasi ayaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowlada <a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/20834.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/20834.jpg\" alt=\"20834\" width=\"264\" height=\"191\" class=\"alignleft size-full wp-image-22232\" \/><\/a>UK.<\/p>\n<p>\u201cDowlada UK waxaa saaran masuuliyada inay ku wargeliso muwaadiniinteeda inay ka digtoonaadaan hanjabaadaha amniga ee lagu carqaladeynayo danaha reer galbeedka ee dalka Kenya\u201d.sidaasi ayaa sidoo kale qoralka lagu sheegay.<\/p>\n<p>Magaalada Mombasa ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi Kenya oo ay tagaan dadka dalxiisayaasha ah, laakiin waxaa yaraaday dalxiisayaashii halkaasi tagi jiray, markii Alshabaab weeraro kala duwan ay ka geysteen.<\/p>\n<p>Muwaadiniinta UK ayaa looga digay inay u safraan magalooyinka dhanka xeebaha ku yaala ee dalkaasi Kenya, iyadoo laga baqayo weerarada Alshabaab.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowlada Britain ayaa Jimcihii shalay xertay qunsuliyadii ay ku laheyd dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa ee dalkaasi, iyadoo loo sababeeyay baqdin dhanka amniga oo laga qaaday magaaladaasi. Dhamaan adeegyadii Qunsuliyada ayaa la sheegay in loo wareejiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay maalintii shalay dowlada UK. \u201cIyadoo la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22231","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22231","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22231"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22231\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22233,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22231\/revisions\/22233"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22231"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22231"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22231"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}