{"id":22120,"date":"2014-06-05T09:42:17","date_gmt":"2014-06-05T06:42:17","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=22120"},"modified":"2014-06-05T09:42:17","modified_gmt":"2014-06-05T06:42:17","slug":"madaxweynaha-soomaaliya-oo-sheegay-in-dhawaan-safiir-ay-umagacaabi-doonaan-mareykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/06\/madaxweynaha-soomaaliya-oo-sheegay-in-dhawaan-safiir-ay-umagacaabi-doonaan-mareykanka\/","title":{"rendered":"MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SHEEGAY IN DHAWAAN SAFIIR AY UMAGACAABI DOONAAN MAREYKANKA"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa helay hubaal in Madaxweyne Obama uu magacaabi doono Safiirkii Mareykan ee ugu horreeyey ee u soo magacaabo muddo labaatameeyo sano ah.<\/p>\n<p>\u201cWaxa aan ku faraxsanahay in aan hubaal kadhigo ujeedooyinkeenna wadaagga ah ee Nabadgalyada, horumarin loo dhan yahay iyo Dowlad-wanaagga ee Soomaaliya. Soo Magacaabidda Safiir cusub oo Mareykan ah waxa ay tusineysaa sida uu u xoog badan yahay is-aaminidda iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Mareykan\u201d<\/p>\n<p>\u201cWaxa aan joognaa billowga safarkeenna aan ugu soconno dhinaca nabadda iyo barwaaqada ee Soomaaliya. Waxa aan guddoonsanahay jidka dheer ee naga horreeya, laakiin jidkaas waxa fududeynaya waxa aan ognahay in ay saaxiibadeen nala jiraan annaga oo isku-ujeeddo ah,\u201d ayuu yiri mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu waxa uu shaaca ka dhigay in Soomaaliyana ay mar dhow magacaabi doonto Safiirkeeda Mareykan.<\/p>\n<p>\u201cAnnaga oo kaashaneyna taageerada socota ee saaxiibadeenna caalamiga ah, waxaa hubaal ah go\u2019aankeenna aan kala go\u2019a laheyn ee ku raadineynno ujeedooyinkeenna Dowlad-dhisid sida ku cad Higsiga 2016. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxa ay ballan ku qaadday meel-marinta Dastuur-Federaal oo Afti loo qaaday sanadka 2016., iyada oo dhidibada u aaseysa nidaam Federaal ah islamarkaana xaqiijineysa HAl QOf, HAl COD ee doorashooyinka sanadka 2016\u201d<\/p>\n<p>\u201cSi loo gaaro ujeeddooyinkaas, waxaa waajib nagu ah in aan dhisno matoorradii umaddeenna: <\/p>\n<p>Baarlamaankeenna, si uu u horumariyo una mariyo shuruuc wax ku-ool ah oo si buuxda u taageeraya Xukuumad shaqeyneysa. Waa in aan horumarinnaa hey\u2019adaheenna iyo dadkeenna oo maamuli kara. Waa in aan hagaajinno awoodeenna aan ku dhalineynno kuna maamuleynno kheyraadka maaliyadeed iyada oo dhammaan lagu dhisayo is-faham oo lan dhan yahay oo ku saleysan habka Dowlad-wanaagga\u201d<\/p>\n<p>\u201cWaxa aan soo dhaweyneynaa taagerada socota ee Mareykanka annaga oo rajeyneyno sii xoojinta xiriirkeenna dibloomaasiyadeed iyada oo loo marayo magacaabidda labada safiir ee labada dhinac\u201d ee Madaxweynuhu ku soo gabagabeeyey.<\/p>\n<p>Dowladda Mareykanku waxa ay sanado badan taageereysey baadi-goobka loogu jiro xasillooni iyo taabba-ggal dimuqraadiyadeed oo ka islaaxda Soomaaliya.Mareykanku waxa uu la shaqeeyay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si loo qoro loona tababaro ciidamo. Waxaa uu ku taageerayey AMISOM tababar, qalabeyn iyo taageero saad ilaa iyo sanadkii 2007 , waxa uuna siinayey taageero gargaar iyo horumarin iyada oo xoogga la saarayo Dimuqraadiyada Dowlad-wanaagga, soo kabashada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo hoos-u-dhigidda Xag-jirnnimo wax-moodidda.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/20665.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/20665.jpg\" alt=\"20665\" width=\"640\" height=\"427\" class=\"alignleft size-full wp-image-22122\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/20665.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/06\/20665-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa helay hubaal in Madaxweyne Obama uu magacaabi doono Safiirkii Mareykan ee ugu horreeyey ee u soo magacaabo muddo labaatameeyo sano ah. \u201cWaxa aan ku faraxsanahay in aan hubaal kadhigo ujeedooyinkeenna wadaagga ah ee Nabadgalyada, horumarin loo dhan yahay iyo Dowlad-wanaagga ee Soomaaliya. Soo Magacaabidda Safiir cusub oo Mareykan ah waxa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-22120","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22120","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=22120"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22120\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22123,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/22120\/revisions\/22123"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=22120"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=22120"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=22120"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}