{"id":21992,"date":"2014-05-31T09:58:56","date_gmt":"2014-05-31T06:58:56","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21992"},"modified":"2014-05-31T09:58:56","modified_gmt":"2014-05-31T06:58:56","slug":"qarax-xalay-ka-dhacay-magaalada-jowhar-xilli-uu-bandow-ka-jiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/qarax-xalay-ka-dhacay-magaalada-jowhar-xilli-uu-bandow-ka-jiro\/","title":{"rendered":"Qarax xalay ka dhacay Magaalada Jowhar, xilli uu bandow ka jiro"},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegaya in xalay Magaaladaasi qarax uu ka dhacay, kaasi oo lagu tuuray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay marayeen Bartamaha Magaaladaasi Jowhar.<\/p>\n<p>Qaraxan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo gaaray ciidanka Dowladda Soomaaliya oo mid kamid ah uu dhaawacmay askarta bamka lagu tuuray, halka sidoo kale ay dhaawacmeen labo wiil oo 11-jir iyo 13-jir kala ahaayeen da\u2019dooda.<\/p>\n<p>Ciidanka qaraxa Bambada lagu tuuray ayaa waxa ay saarnaayeen gaari nooca Soomaalida ay u taqaan Cabdi Bilaha oo ay raacaan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Saraakiisha ammaanka Jowhar weli faah-faahin kama aysan bixin qaraxa iyo hadii ay jiraan dad ay usoo qabteen qaraxaasi xalay ciidamada Dowladda ee Degmada Jowhar ku sugan lagu tuuray.<\/p>\n<p>Qaraxan xalay ka dhacay Degmada Jowhar ayaa kusoo aadaya, xilli habeenkii Magaalada Jowhar ciidanka ay ka dhigeen bandoow, si loo xaqiijiyo ammaanka Degmadaasi oo habeeno ka hor lagu weeraray hooy uu Magaaladaasi ka degan yahay Sarkaal ka tirsan ciidanka Nabadsugida Shabeelaha Dhexe.<\/p>\n<p>Xaalada Degmada Jowhar ayaa saaka waxa ay tahay mid degan, mana lasoo sheegayo howlgal ay ciidanka wadaan oo ku aadan xaqiijinta ammaanka Xarunta Shabeelaha Dhexe ee Jowhar.<\/p>\n<p>Al-Shabaab ayaa qaraxyada miinada iyo Bambooyinka la eegta ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalada dalka iyo Magaalada Muqdisho.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/is-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/is-1.jpg\" alt=\"is (1)\" width=\"341\" height=\"226\" class=\"alignleft size-full wp-image-21993\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/is-1.jpg 341w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/is-1-300x198.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 341px) 100vw, 341px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegaya in xalay Magaaladaasi qarax uu ka dhacay, kaasi oo lagu tuuray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay marayeen Bartamaha Magaaladaasi Jowhar. Qaraxan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo gaaray ciidanka Dowladda Soomaaliya oo mid kamid ah uu dhaawacmay askarta bamka lagu tuuray, halka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21992","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21992","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21992"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21992\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21994,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21992\/revisions\/21994"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21992"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21992"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21992"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}