{"id":21962,"date":"2014-05-29T14:44:26","date_gmt":"2014-05-29T11:44:26","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21962"},"modified":"2014-05-29T14:44:26","modified_gmt":"2014-05-29T11:44:26","slug":"wararkii-ugu-dambeeyay-qarax-hargaysa-ka-dhacay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/wararkii-ugu-dambeeyay-qarax-hargaysa-ka-dhacay\/","title":{"rendered":"WARARKII UGU DAMBEEYAY QARAX HARGAYSA KA DHACAY"},"content":{"rendered":"<p>Magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaaliland, xalay saqdii dhexe waqti ay ku beegneyd 12- habeenimo ayaa waxaa Magaalada laga maqlay qarax aad uweyn xilli jawiga magaalada uu deganaa.<\/p>\n<p>Qaraxan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay wadada dhabarka dambe ka marta Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa, laakiin ilaa hada lama oga cida ka dambeysay qaraxan.<\/p>\n<p>Saraakiisha Booliiska magaalada Hargaysa weli war faah-faahsan kama aysan soo saarin qaraxaan iyo cida ka dambeysay, iyadoo uu jiro khasaaro ka dhashay.<\/p>\n<p>Dadka xilligaasi ka agdhawaa goobta ee maqaaxiyaha fadhiyay ayaa ku waramaya in nooca qaraxa uu ahaa miinada wadada dhinaceeda la dhiga, balse aysan garan karin xilliga la dhigay iyo cida loo dhigay.<\/p>\n<p>Xaalada Magaalada Hargaysa ayaa degan, dadka ayaa su\u2019aalo iska weydiinaya qaraxii xalay iyo waxa uu ahaa.<\/p>\n<p>Booliiska Magaalada Hargaysa ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka guud ee caasimada Hargaysa ee Soomaaliland.<\/p>\n<p>Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli buuq siyaasaded uu ka dhexjiro Xisbiga talada Soomaaliland haya ee Kulmiye.<br \/>\n<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20534.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20534.jpg\" alt=\"20534\" width=\"275\" height=\"183\" class=\"alignleft size-full wp-image-21963\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaaliland, xalay saqdii dhexe waqti ay ku beegneyd 12- habeenimo ayaa waxaa Magaalada laga maqlay qarax aad uweyn xilli jawiga magaalada uu deganaa. Qaraxan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay wadada dhabarka dambe ka marta Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa, laakiin ilaa hada lama oga cida ka dambeysay qaraxan. Saraakiisha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21962","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21962","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21962"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21962\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21964,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21962\/revisions\/21964"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21962"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21962"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21962"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}