{"id":21927,"date":"2014-05-28T17:41:32","date_gmt":"2014-05-28T14:41:32","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21927"},"modified":"2014-05-28T17:41:32","modified_gmt":"2014-05-28T14:41:32","slug":"masuuliyiin-ka-tirsan-wasaarada-beeraha-oo-gaaray-degmada-janaale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/masuuliyiin-ka-tirsan-wasaarada-beeraha-oo-gaaray-degmada-janaale\/","title":{"rendered":"MASUULIYIIN KA TIRSAN WASAARADA BEERAHA OO GAARAY DEGMADA JANAALE"},"content":{"rendered":"<p>Masuuliyiintaan ka socotay Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya oo gaarey degmada Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa hogaaminayey Wasiirka Wasarada Beeraha Axmed Maxamed Baafo waxaana qeyb ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaradaasi Cusmaan Libaax, Agaasimaha guud Maxamuud Maxamed Maxamuud iyo Mas\u2019uuliyiin kale Wasaaradaasi. <\/p>\n<p>Ujeedka Mas\u2019uuliyiintan Wasaaradda Beeraha ka tirsan ay u gaareen Degmada Janaale ayaa waxay ahayd u kuur gelidda sidii ay usoo indha indheyn lahaayeen beeraha gobolkaasi iyo sidii xal loogu heli lahaa Buundada degmada Janaale oo dadka beeraleyda ah ee halkaasi ku dhaqan cabashooyin ka muujinayeen mudooyinkii ugu dambeyey kaddib markii buundadaasi jabtey oo saameysay dadka beeralayda ah.<\/p>\n<p>Wafdiga ka socdey Wasaaradda beeraha ayaa sidoo kale gaarsiiyey dadka beeraleyda ee degmadaasi ku dhaqan miro abuur ah iyo makiinadaha beeraha lagu falo oo ay u kireeyeen dadkaasi si looga saacido waxsoo saarka dalaga beeraha.<\/p>\n<p>Qaar ka tirsan dadka beeraleyda ee ku dhaqan degmada Janaale iyo deegaannada ku xeeran ayaa ugu horeyn kaga mahadceliyey Wasaaradda Beeraha sida ay usoo gaarsiyeen miraha abuurka iyo sida looga saaciday miikanadaha beeralaha lagu fusho, iyagoo xusay inay sii wadayaan tabcashada beeraha.<\/p>\n<p>Agaasimaha guud ee Wasaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa waxa markii aysoo gabo gabowdey qeybinta miraha abuurka ah ee la gaarsiyey beeraleyda ku dhaqan degmada Janaale ayaa sheegay in tani ay ugu talagaleen sidii lagu dhiiri gelin lahaa beeralayda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Dhanka kale mas\u2019uuliyiinta ka tirsan Wasaradda Beeraha ee uu hogaminayay Wasiirka Wasaarada Beeraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay kormereen buundada degmada Janaale oo bur bur baahsani ka muuqdo iyo Webiga Shabeelle iyadoona uu Wasiirka Wasaarada Beeraha Warbixino ka dhageystey dadka deegankasi iyo dhibatooyinka haysta.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Maxamed Nuur Sidii oo wafdiga Wasiirka ku soo dhaweeyay Gobolkaasi ayaa ugu horeyn kaga mahadceliyey Wasaradda beeraha saacidada ay lasoo gaartey dadka beeraleyda ah gobolkaasi ku dhaqan.waxa uuna Wasiirka ka codsaday in uu badiyo Koormeerka uu ku imaanayo Gobolka Shabeelaha Hoose.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaarada Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Maxamed Baafi oo warbaahinta kula hadlay buundada degmada Janaale kormeerka kadib ayaa ka dalbadey hay\u2019adaha Samafalka iney Wasaradda gacan ku siiyaan sidii dib loogu dhisi lahaa buundada degmada Janaale oo bur bur baahsani ka soo gaaray, isagoo tilmaamay in Wasaaradda beeraha ay sii wadayso sidii dadka beeraleyda ah loo dhiirigelin lahaa.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20521.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20521.jpg\" alt=\"20521\" width=\"251\" height=\"201\" class=\"alignleft size-full wp-image-21928\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Masuuliyiintaan ka socotay Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya oo gaarey degmada Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa hogaaminayey Wasiirka Wasarada Beeraha Axmed Maxamed Baafo waxaana qeyb ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaradaasi Cusmaan Libaax, Agaasimaha guud Maxamuud Maxamed Maxamuud iyo Mas\u2019uuliyiin kale Wasaaradaasi. Ujeedka Mas\u2019uuliyiintan Wasaaradda Beeraha ka tirsan ay u gaareen Degmada Janaale ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21927","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21927","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21927"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21927\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21929,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21927\/revisions\/21929"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21927"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21927"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21927"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}