{"id":21921,"date":"2014-05-27T20:54:46","date_gmt":"2014-05-27T17:54:46","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21921"},"modified":"2014-05-27T20:54:46","modified_gmt":"2014-05-27T17:54:46","slug":"maalmo-kadib-weerarkii-baarlamaankasawiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/maalmo-kadib-weerarkii-baarlamaankasawiro\/","title":{"rendered":"Maalmo kadib weerarkii Baarlamaanka+SAWIRO"},"content":{"rendered":"<p>Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kormeerey xarunta Golaha Shacabka oo howlo dib u habayn ah ka socoto si ay dib uga bilowdaan fadhiyadii Baarlamaanka.<\/p>\n<p>Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kormeerka uu ku tegay xarunta Golaha Shacabka waxaa ku wehliyay Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka, iyadoo meelaha uu kormeeray ay ka mid ahayd halka ay mudanayaashu ku shiraan oo aan habayaraatee wax dhibaato ah ka soo gaarin weerarkii ay arbushaadda ahaa ee ay maleeshiyada Al-Shabaab ku doonayeen inay la eegtaan xarunta laakin ay fashiliyeen ciidamada amniga.<\/p>\n<p>Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kormeerkiisa kaddib Warbaahinta kula hadlay xarunta Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in hadda la wado howlo lagu nadiifinayo dhismaha xarunta, islamarkaana dib loo habeynayo si sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilowdaan howlaha Baarlamaanka, isagoo dhanka kale xusay in saakay magaalada Muqdisho laga qaaday oo dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Turkiga ahaan loogu qaaday Xildhibaan Faarax Cawad Jaamac oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka ee ku dhaawacmay nawaaxiga xarunta Golaha Shacabka iyo askari ka mid ah askartii ay dhaawacyadoodu cusleyd, halka askarta kale ee ku dhaawacantay difaacidda xarunta Golaha Shacabka maalinta Arbacada ah loo qaadi doono dalka Turkiga.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa saakay noo suurta gashay in Xildhibaan Faarax iyo Askari ka mid ah kii ugu dar darnaa in loo qaado dalka Turkiga si daryeel caafimaad loogu sameeyo, inta kalena waxaa socda diyaarinta Fiisooyinkooda waxaana la qaadi doonaa Arbacada,\u201d ayuu yiri Mudane Mahad Cabdalla.<\/p>\n<p>Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhawaan ay si rasmi ah u bilaaban doonaan fadhiyada Baarlamaanka, maadaama falkii  fashilmay ee dhawaan dhacay, uusan saameyn ku yeelan doonin shirarka ay Xildhibaannadu ku yeelanayaan xarunta Golaha Shacabka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan xarunta u soo kormeernay si aan u ogaano oo aan u muddeyno waqtiga shaqada uu bilaabi doona golaha Shacabka, maadaama waqtigiina uu gabaabsi yahay, sharuuc aad u muhiimsan uu goluhu gacanta ku hayay oo ay gudiyo fara badan soo gudbiyeen, waxaanu rajeyneynaa in maalmaha dhaw shirka Gudiyada uu qabsoomo si ay u mudeeyaan goorta ay howsha bilaabmeyso, laakiin farsamadii dhanka korontada ayaa si deg deg ah loo dhameystirayaa oo xoogaa cilado ku timid markii shalay la tijaabiyay\u201d ayuu yiri markale Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Kormeerka guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay wehliyaan xubno ka tirsan gudiyada joogtada ee Baarlamaanka ayaa tilmaamaya sida aysan saameyn ugu yeelan weerarkii dhawaan ay dhagar qabayaashu ku soo qaadeen xarunta Golaha Shacabka oo ay ka hortageen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.<\/p>\n<p>DSC01430 DSC01434 DSC01436 DSC01437 DSC01438 DSC01442 DSC01444 DSC01452 DSC01453 DSC01454 DSC01456 DSC01458 DSC01459 DSC01464 DSC01472 DSC01509 DSC01543 DSC014511<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/DSC01437.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/DSC01437.jpg\" alt=\"DSC01437\" width=\"555\" height=\"416\" class=\"alignleft size-full wp-image-21922\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/DSC01437.jpg 555w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/DSC01437-300x224.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 555px) 100vw, 555px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kormeerey xarunta Golaha Shacabka oo howlo dib u habayn ah ka socoto si ay dib uga bilowdaan fadhiyadii Baarlamaanka. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kormeerka uu ku tegay xarunta Golaha Shacabka waxaa ku wehliyay Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka, iyadoo meelaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21921","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21921","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21921"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21921\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21923,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21921\/revisions\/21923"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21921"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21921"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21921"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}