{"id":21878,"date":"2014-05-25T16:44:57","date_gmt":"2014-05-25T13:44:57","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21878"},"modified":"2014-05-25T16:44:57","modified_gmt":"2014-05-25T13:44:57","slug":"wasiiro-iyo-saraalkiil-xilkooda-loo-cabsi-qabomagacyadooda-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/wasiiro-iyo-saraalkiil-xilkooda-loo-cabsi-qabomagacyadooda-2\/","title":{"rendered":"Wasiiro iyo Saraalkiil Xilkooda loo cabsi qabo+MAGACYADOODA"},"content":{"rendered":"<p>Waa talaabo fiican is casilaada Wasiirka Amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay balse fashilka amaan ee ka jira dalka guud ahaan iyo caasimada Muqdisho-ba ma ahan mid ku soo hagaagaya kaliya is casilaada wasiirka Amniga iyo magacaabida Wasiir Amni cusub, Balse waxaa qeyb ka ah Fashilka amni ee dalka ka jira Masuuliyiintaan aan mid mid u kor istaagi doono Fashilka qeybta ay ka yihiin:-<\/p>\n<p>Agaasimaha Hay,adda Nabadsugida Qaranka Gen Bashiir Goobe waa inuu is casilaa<\/p>\n<p>Hay,adda Nabadsugida Qaranka oo uu agaasime ka yahay Gen Bashiir Goobe ayaa ah mid aad ugu fashilantay hawshii loo igmaday, Gen Bashiir Goobe oo horey ugu soo fashilmay Taliye ku xigeenimada Booliiska Soomaaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed is weydiinayey sababta markii horaba loogu dhiibay Agaasimaha Hay,adda Nabadsugida Qaranka, Gen Bashiir Goobe oo Hay,addii Nabadsugida Qaranka ka dhigay meel uu ka sameeyo dhaqaalo kaliya, Gen Bashiir Goobe ayaa cuuryaamiyey dhamaan Saraakiishii sare ee Hay,adda Amniga, Gen Bashiir ayaa la sheegay inuu gebi ahaan jaray  dhaqaalihii xogta loogu aruurin jiray Hay,adda , sidoo kale Gen Bashiir Baabuurtii iyo Hubkii Hay,adda Nabadsugidu ka heshay wadamo saaxiibo ah ayaa la sheegayaa inuusan Hay;adda waxba ugu qaban balse uu qaab laaluush ah ku siiyey Wasiirka Amniga, Wasiirka Dastuurka iyo Asxaabtiisa kale.<\/p>\n<p>Gen Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ku fashilmay in dhamaan deegaanada ka baxsan Caasimada ee hore xorta u ahaa iyo kuwii dhowaan la xoreeyayba uu geeyo ciidamo nabadsugid ah oo shaqeeya, warbixin sugana uga keena dawladda waxyaalaha ka socda deegaanada ka baxsan Caasimadda.<\/p>\n<p>Gen Bashiir ayaa ku fashilmay kadib markii Saraakiil xaga amniga loogu tababari lahaa uu u diray dad aan ku habooneyn, kuwo qaab qabiil oo 4.5 loogu keenay, dadkaa loo keenay oo uu dalalka dibada u diray inay ku jiraan kooxo ka tirsan Nabadiidka.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Saacid waa inuu is Casilaa<\/p>\n<p>Taliyaha Booliiska Gen Saacid ayaa ah mid ka mid ah kuwa ku hor kufay Dawladii magacaawday iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ka sugayey wax qabad wanaagsan, Fashilka ku yimid Taliska Booliiska Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:-<\/p>\n<p>\u00b7 Booliiska Soomaaliya oo UNDP mushaaraadka siiso oo magac ahaan u jira kaliya, waxaana lacagtooda kala qeybsada Gen Saacid iyo Saraakiisha sare ee Booliiska, tusaale ahaan Saldhigyada Booliiska Degmooyinka Muqdisho waxaa ku qoran 100 ilaa 200 oo Booliis ah, inta badan askarta Booliiska ah ee saldgigyadaa joogtada uga shaqeeyana ma dhama 30 askari.<\/p>\n<p>\u00b7 Booliis badan oo ku qoran saldhigyada ayaa ka shaqeeya Hay,addo kale, qaarkood waxaa ay waardiye ka yihiin Hay,ado caalami ah, Qaarkood waxaa ay la shaqeeyaan oo mushaar labaad ka qaataan Masuuliyiinta ku qabiilka ah ee Dawladda masuuliyiinteeda kala duwan kamid ah.<\/p>\n<p>\u00b7 In badan oo Booliiska ka mid ah oo lacagahooda qeyb yar laga siiyo ayaa sidoo kale kamid ah Milateriga Soomaaliya, Qaarkood waxay mushahar sadexaad oo qeyb ah ka qaataan nabadsugida,<\/p>\n<p>Taliyaha Booliiska wuxuu ku fashilmay inuu ciidan Booliis geeyo Magaalooyinka dhowaan la xoreeyay iyo kuwii horeyba xorta u ahaa, iyadoo ciidan ka badan 10 kun oo askari oo booliis ah mushaharkoodu bixiyaan Hay;ado Caalamiya.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Gen Mohamed Sheekh iyo Gen Indha Qarshe waa inay is casilaan.<\/p>\n<p>Wasaaradda Gaashaandhiga oo uu hogaamiyo Gen Mohamed Sheikh iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa kamid fashilka amniga ee dalka ka jira, waxaana suuragal ahayn in Xamar ama Dalka uu amaan noqdo iyada oo aan wax laga qaban hab dhaqanka ciidamada Xooga dalka Soomaaliya:-<\/p>\n<p>Ciidanka Xooga oo la sheego ku dhowaad inuu ka kooban yahay 20 kun oo askari ayaa ah caqabada amni ee ugu weyn ee dalka ka jirta, caqabadahaa waxaa ka mid ah Isbaarooyinka yaala dhamaan jidadka ka baxa Muqdisho ilaa Baydhabo, Muqdisho ilaa Marka, ciidanka shaqeeya ma dhama 20% nambarka ciidanka magac ahaanta u jira, Mushaarooyinkooda iyo Saadka ciidamada waxaa kala qeybsada Taliska ciidanka , Taliska Saadka iyo Saraakiisha Cidanka Xooga dalka.<\/p>\n<p>Maliishiyo beeleedyo dhamaan wada labistay dariiska Ciidanka Xooga dalka oo qaarkood kamid ahaayeen ciidanka Xooga oo qalalaase amni ka wada dhamaan meelihii laga xoreeyay Maliishiyaadka Alshabaab.<\/p>\n<p>Ciidan ka mid ah Xooga Dalka oo dhex degan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, kuwaa oo qalqal amaan ku haaya xaafadaha kala duwan ee Muqdisho, sida maalin dhoweydba ka dhacday Xaafada Dharkenyley uu mid ka mid ah ciidanka Xooga oo lagu Magacaabo Gaamiir uu weerar ugu geystay Nabadsugida xaafada Dharkenley, ilaa haatana uu joogo meeshiisa isagoo canshuuro ka qaata qaar kamid ah Xaafadaha degmada Dherkenley.<\/p>\n<p>\u00b7Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska xooga oo ciidankii xooga u kala qeybiyey qeybo ku salaysan qaab qabiil, iyaga oo baarlamaanka ka hor sheegay inaan qeybaha kala duwan ee xooga isku gudbi Karin.<\/p>\n<p>\u00b7 Maadaama isla xisaabtan iyo ciidamo xerooyin la yaqaano degan oo aan jirin ayaa Ciidanka Xooga dalka wuxuu isaga shaqo taga masuuliyiinta ku beesha ah ee dawladda, qaar ayaa ka tirsan Booliiska, qaar ayaa ka tirsan nabadsugida, mana jirto<\/p>\n<p>\u00b7Hubkii iyo Tuutihii ciidanka oo si waadax ah suuqa u galay, si sahlana ay ku heli karaan koox walba oo dooneysa inay amniga wax u dhibaan.<\/p>\n<p>Isku soo wada duube dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira ayaan ku xalismeynin kaliya is casilaada wasiirka Amniga balse waxaa indheergaradku<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/images212.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/images212.jpg\" alt=\"images21\" width=\"300\" height=\"168\" class=\"alignleft size-full wp-image-21879\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waa talaabo fiican is casilaada Wasiirka Amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay balse fashilka amaan ee ka jira dalka guud ahaan iyo caasimada Muqdisho-ba ma ahan mid ku soo hagaagaya kaliya is casilaada wasiirka Amniga iyo magacaabida Wasiir Amni cusub, Balse waxaa qeyb ka ah Fashilka amni ee dalka ka jira Masuuliyiintaan aan mid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21878","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21878","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21878"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21878\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21880,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21878\/revisions\/21880"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21878"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21878"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21878"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}