{"id":21776,"date":"2014-05-22T17:55:56","date_gmt":"2014-05-22T14:55:56","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21776"},"modified":"2014-05-22T17:55:56","modified_gmt":"2014-05-22T14:55:56","slug":"warbixin-dagaallada-ka-socda-mandheera-iyo-wajeer-oo-albaab-u-furaya-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/warbixin-dagaallada-ka-socda-mandheera-iyo-wajeer-oo-albaab-u-furaya-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Warbixin: Dagaallada ka socda Mandheera iyo Wajeer oo Albaab u furaya Al-Shabaab"},"content":{"rendered":"<p>-Hay&#8217;adaha Ammaanka ee Waqooyi-bari Kenya waxa ay dagaal kula jiraan sidii ay u qaboojin lahaayeen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhex qarxa Qabaa&#8217;ilka halka ay al-Shabaabna uga faa&#8217;idaysatay Khilaafkaas in ay Weerarro dhawr ah ka fuliso Gobolka Mandheera todobaadkii tagay.<\/p>\n<p>Dagaallada qabaa&#8217;il ee ka soo dhex cusboonaaday gobollada Wajeer iyo Mandera ayaa waxa ku dhintay 13 qof muddo ka yar todobaad, sida ay shegayaan mas&#8217;uuliyiintu.<\/p>\n<p>Isla mar ahaantaa, xagjiriinta al-Shabaab waxay weerarro ku qaadeen ciidamada ammaanka iyo odayaal dhaqameed ujeedkoodu ahaa in ay nabad dhex dhigaan qabaa&#8217;ilka dagaallamaya, iyaga oo dilay ugu yaraan 12 qof Isniintii (19-kii May) isla markaana afduubay dhowr baabuur ka hor intii ayan ula gudbin soohdinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Qalalaasahan ugu dambeeyay ee dhex mara qabaa&#8217;illada Degoodi iyo Gare ayaa biloowday 13-iii May markii saddex nin oo Degodi ah oo dhirta ka jarayyay waddada Burmayo-Fincharo ee isku xirta gobollada Wajeer iyo Mandera toogasho lagu dilay.<\/p>\n<p>Ka jaridda dhirta ku taal dhinacyada waddada ayaa la bilaabay biloowgii April taas oo qayb ka ahayd qorshe ay xukuumaddu shaqo ugu abuuraysay bulshada deegaanka isla markaana wadayaasha gaadiidka loogu sahlayay in ay arkaan waddada, sida uu sheegay Agaasimaha Saxaafadda ee Gobolka Wajeer Yahya Dahiye.<\/p>\n<p>Sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Bilayska ee Tarbaj Soita Mwanja, shaqaalaha ayaa howshii ay hayeen ku sii fidiyay tuulada Fincharo, iyada oo qabiilka Gare ee halkaa ku nool taa u fasirtay in Dagoodigu doonayo in uu qaato qayb ka mida dhulkooda.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in dilku dadka ku noqday kadiso maaddaama odayaal ka socda labada bulsho ay lahaayeen fadhiyo lagu qaboojinayo xasaradda isa soo taraysay ee ka dhalatay shaqada waddada.<\/p>\n<p>May 15-keedii, ayaa rag hubysan oo Degoodi ah waxay waddada u galeen gaari siday dad Gare ah, oo marayay Bulla Tawakal oo u dhow magaalada Rhamu iyaga oo dilay lix isla markaana dhaawacay saddex, sida uu Taliyaha Bilayska Gobolka Mandera Noah Mwivanda u sheegay Sabahi.<\/p>\n<p>Maalintii xigtay, ayay rag hubeeysan oo Gare ah waxay ay nin Degoodi ah ku dileen mid kalena si xun ugu dhaawaceen Gunana, sida uu sheegay Wakiilka Xukuumadda Dhexe ee Gobolka Wajeer Naftali Mungatia. Waxa uu intaa ku daray in ugu yaraan laba guri oo ay leeyihin qoysas Gare ah oo ku yaal magaalada Wajeer ay dab qabad siiyeen dad aan la garanAyn isla subaxnimadaas, laakiin cidina kuma dhaawacmin.<\/p>\n<p>Saddex qof oo kale oo Gare ah ayaa la dilay afar kalena dhaawac halis ah ayaa ku gaaray degmada Takaba 19-kii May, sida uu sheegay Mwivanda. Waxa uu sheegay in rag hubaysan oo la aaminsan yahay in ay ka soo jeedaan qabiilka Degoodi ay weerareen tuulada Barike 6-dii subaxnimo, iyaga oo si aan kala sooc laheeyn rasaas ugu furay dadkii reer tuuleedka ahaa.<\/p>\n<p>Mas&#8217;uuliyiinta oo heegan ugu jira sidii ay ku joojin lahaayeen colaadda<\/p>\n<p>Mungatia waxa uu sheegay in mas&#8217;uuliyiinta ammaanku ay heegan sare uga jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen soo noqoshada colaadihii sannadkii hore dhex maray labada qabiil kuwaas oo laga dhaxlay dhimashada in ka badan 60 qof iyo barakaca boqolaal qoys uga barkaceen labada gobol.<\/p>\n<p>&#8220;Kalkii hore xukuumaddu xoogaa bay is dhigatay markii ay malleeyshiyaad hubaysan oo labada dhinac ahi ay sabab u noqdeen dhimashada dad aan waxba galabsan iyo lumidda hantida,&#8221; ayuu u sheegay Sabahi. &#8220;Markaan heegan ayaan ugu jirnaa in aan ka hortano dhiig daata. Ciidamo ammaan ayaan gaynaa xaafadaha iyo tuulooyinkii ay ka dheceen weerarradii ugu darnaa sannadkii hore.&#8221;<\/p>\n<p>Wakiilka Xukuumadda Dhexe ee Gobolka Mandera Michael Tialal ayaa sheegay in la xoojiyay ciidamada ammaanka ee Rhamu, oo ah halkii uu ka soo biloowday dagaalkii sannadkii hore.<\/p>\n<p>&#8220;Rhamu waa magaalo colaadeed. Hadda waxan xittaa ilaalo ammaan ku darnaa gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale gaadiidka khaaska ah ee ay saaran yihiin xubnaha qabaa&#8217;ilka ee maraya dhulalka ay ku badan yihiin dadka ay u arkaan in uu dagaalku u dhexeeyo si looga hortago xasaradda oo ka sii darta,&#8221; ayuu u sheegay Sabahi.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in bilaysku wali raadinayo kuwii ka dambeeyay dilkii 13-kii May ee kiciyay mowjaddan ugu danbaysay ee colaadaha.<\/p>\n<p>Xabad joojin jabtay iyo diyo aan shaqaynaynin<\/p>\n<p>Colaadda ayaa qaraxday inkasata oo ay jirto xabbad-joojin ay kala saxiixseed labada bulsho 4-tii July sannadkii hore.<\/p>\n<p>Dilalka aarsiga ah ayaa sidoo kale dhacay iyada oo ay hoggaamiyayaasha labada qabiil ay Nairobi ku kulmeen 14-kii May, iyaga oo maalintaa isku raacay in qoysaskii dadkii la dilay la siin doono diyo, sida uu xildhibaanka laga soo doorto Tarbaj Mohamed Elmi u sheegay Sabahi.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in hoggaamiyayaasha bulshada ee Mandera iyo Wajeer iyo mas&#8217;uuliyiinta xukuumadda ay kulammo xiriir ah si gooni gooni ah ula yeesheen bulshooyinkooda si ay uga codsadaan in ay muujiyaan daganaansho ka hor kulanka wadajirka ah ee 19-kii May, kaas oo ay sidoo kale ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha Gobolka Mandera Ali Ibrahim Roba iyo Guddoomiyaha Gobolka Wajeer Ahmed Abdullahi.<\/p>\n<p>Roba ayaa u sheegay Sabahi in hoggaamiyayaasha labada gobol ay isku raaceen in la joojiyo dhaqanka diyada.<\/p>\n<p>&#8220;Waxa uu sheegay in lacagta laga bixinayo dhiiga dhibanayaasha ay sii dhiirri-galineeyso dilal dheeraad ah bacdamaa ay mujrimiintu ogyihiin in aan dilka loo raacanayn oo ay uga baxsnayaan diyada,&#8221; ayuu yiri.<\/p>\n<p>Abdullahi, ayaa dhiniciisa, waxa uu sheegay in ay isku raaceen in ay sii wadaan nabadda ay ka dhex ololeeynayaan qabaaillada.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaa si buuxda la isugu raacay in madaxda dawladaha hoose oo ahayd halka colaaddaha lagu wargliyo laga eryo shaqadooda, la soo qabto laguna soo oogo in ay hurinayeen jariimo,&#8221; ayuu u sheegay Sabahi. &#8220;Sababtu waxay tahay way ogaayeen colaadda soo karaysa laakiin waxay ku fashileen in ay ka hortagaan sii huriddeeda.&#8221;<\/p>\n<p>Xildhibaanka laga soo doorto Waqooyiga Mandera Adan Mohamed Nur ayaa sheegay in dhacdooyinkii dhawaan dhacay ay tahay in loola tacaamulo sidii tallaabooyin ka dhacay shakhsiyaad gaar ah oo cadaawad aan loo baahnayn ka dhex abuuray bulshooyinka. <\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in hoggaamiyayaasha qabaa&#8217;illadu ay sii wadaan shirarkii nabadeed iyo dib-u-heshiisiintii ka socday Mandera, isaga oo intaa ku daray in ay ku rajo-weyn yihiin in xal loo heli doono khilaafaadka siyaasadeed ee dabada dheeraaday iyo colaadaha salka ku haya qaybsiga khayraadka.<\/p>\n<p>Al-Shabaab oo Kenyanka ku leh: Xitaa ha ku riyoonina nabad<\/p>\n<p>Dhinaca kale, xagjiriinta al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarradii ay ka wadeen Mandera, iyaga oo ka faa&#8217;idaysanaya dareenka ammaan ee loo weeciyay khilaafaadka qabaa&#8217;ilka, ayuu Wakiilka Xukuumadda Dhexe ee Gobolka Michael Tialal u sheegay Sabahi.<\/p>\n<p>&#8220;Tan iyo markii dagaalladu biloowdeen, ayaa al-Shabaab waxay Gobolka Mandera ka fulisay ugu yaraan shan weerar,&#8221; ayuu yiri. &#8220;Kooxdu waxay ogtahay in dareenka ciidamada ammaanku uu ku sii jeedo la tacaalidda dagaallada qabaa&#8217;ilka; waa sababtaa tan ay ugu dhiirradeen in ay qaadaan weerarro.&#8221;<\/p>\n<p>Rag hubaysan oo loo malaynayo in ay yihiiin al-Shabaab ayaa saddex weerar oo isku xilli dhacay ku qaaday saldhigyo bilays oo ku yaal magaalada Mandera 14-kii May, ayuu yiri Tialal. Kooxdu waxay kaloo weerartay guriga Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Mandera Omar Mohamed Salah.<\/p>\n<p>&#8220;Weeraryahannadu madaafiic ayay ku weerareen saldhigga bilayska iyo guriga guddoomiye ku-xigeenka,&#8221; ayuu yiri. Qaar ka mid ah askartii bilayska ee saldhigyada la weeraray ayaa waxa loo raray in ay ka hortagaan dagaallada qabaa&#8217;ilka, cidina kuma dhaawacmin weerarrada.<\/p>\n<p>Kadib, 19-iii May, ayay xubno al-Shabaab ahi waxay afduubeen saddex gaari oo qaad u siday magaalada Mandera iyaga oo gaari afaraadna dab qabadsiiyay ka hor intii ayan u baxsan soohdinta Soomaaliya. Laba qof oo la socday gawaarida ayaa wali la la&#8217;yahay waxana la rumaysan yahay in ay qafaalatay kooxdu, ayuu yiri Tialal.<\/p>\n<p>Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay mas&#8217;uuliyadda weerar lagu qaaaday kolonyo ciidamada Kenya ah maalintaa, sheegayna inay dileen &#8220;dhammaan askartii Kenyanka ahaa&#8221; ee saarnaa gaariga iyo sidoo kale shan askari oo bilays ah ka hor intii ayan dhicin laba gaari oo dusha ka furan una qaateen soohdinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Si kasataba ha ahaatee, afhayeenka millatiraga Kenya Gaashaanle Emmanuel Chirchir iyo Tialal ayaa labaduba waxay beeniyeen in wax khasaare millatari ah ka yimaadeen dhacdadaas. &#8220;Marna Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) sooma dhex-galin howlgalka lagu soo celinayo saddexda baabuur ee la afduubay. Kuwii raad-raacay baabuurta waxay ahaayeen bilayska Kenya iyo kaydka bilayska,&#8221; ayuu Tialal u sheegay Sabahi Arbacadii (21-kii May).<\/p>\n<p>Isla maalintaa, ayay al-Shabaab waxay weerar gaadmo ah ku qaadday koox ammaan oo u sii socday kulan dib-u-heshiisiin oo qabaa&#8217;illada Degoodi iyo Gare ku dhex marayay magaalada Ceel Waaq.<\/p>\n<p>Dhacdada kadib, ayuu afhayeenka al-Shabaab Cali Maxamuud Raage waxa uu ku gooddiyay in weerarro dheeraad ah ay ku soo socdaan muwaadiniinta Kenyanka.<\/p>\n<p>&#8220;Kuwa kaliya ee lagu eedeeynayo ammaan darrada idin haysata waa xukuumaddiinna, oo Soomaaliya ku soo duushay iyada oo isku dayaysa in ay u dagaallanto reer Galbeedka,&#8221; ayuu yiri. &#8220;Waxan u sheegaynaa in ayan dadka Kenyanka ahi ayan xitaa ku riyoon nabad inta ay wiilashiinnu haystaan Soomaaliya.&#8221; <\/p>\n<p>Tialal waxa uu sheegay in ciidamada ammaanku ay ka go&#8217;antahay in ay xakameeyaan dagaallada qabaa&#8217;ilka iyo colaadda argagixisada. Waxa uu sheegay in hadda bilayska loo xilsaaray la tacaamulka dagaallada qabaa&#8217;ilka halka millatariga iyo Qeybta Adeegga Guud ay la dagaallamayaan arrimaha khuseeya al-Shabaab. <\/p>\n<p>&#8220;Ma niyad-jabi doonno illaa iyo inta aan labada qaddiyadood ee mataanaha ah si wadajir ah u xallinno,&#8221; ayuu yiri.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/kenya-mandera-security-340_227-620x330.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/kenya-mandera-security-340_227-620x330.jpg\" alt=\"kenya-mandera-security-340_227-620x330\" width=\"620\" height=\"330\" class=\"alignleft size-full wp-image-21777\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/kenya-mandera-security-340_227-620x330.jpg 620w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/kenya-mandera-security-340_227-620x330-300x159.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 620px) 100vw, 620px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>-Hay&#8217;adaha Ammaanka ee Waqooyi-bari Kenya waxa ay dagaal kula jiraan sidii ay u qaboojin lahaayeen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhex qarxa Qabaa&#8217;ilka halka ay al-Shabaabna uga faa&#8217;idaysatay Khilaafkaas in ay Weerarro dhawr ah ka fuliso Gobolka Mandheera todobaadkii tagay. Dagaallada qabaa&#8217;il ee ka soo dhex cusboonaaday gobollada Wajeer iyo Mandera ayaa waxa ku dhintay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21776","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21776","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21776"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21776\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21778,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21776\/revisions\/21778"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21776"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21776"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21776"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}