{"id":21631,"date":"2014-05-19T01:21:40","date_gmt":"2014-05-18T22:21:40","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21631"},"modified":"2014-05-19T01:21:40","modified_gmt":"2014-05-18T22:21:40","slug":"waa-imisa-qiyaasta-umadda-soomaaliyeedsawiro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/waa-imisa-qiyaasta-umadda-soomaaliyeedsawiro\/","title":{"rendered":"Waa imisa qiyaasta Umadda Soomaaliyeed+SAWIRO?"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeyb galay Siminaar lagu soo bandhigayey qiyaasta tirada dadka Soomaaliya oo ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamka iyo Sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadka (UNFPA), isagoo dhinaca kale kormeer ku tagay qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamka Mudane Siciid C\/laahi Dani oo ugu horrayn kulanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee soo maray barnaamijkaan, isagoo dhinaca kale sheegay mudadii lagu jiray hawshaan inay u duruufo adaga kala kulmeen dadkii ka shaqaynayey barnaamijkaan,<\/p>\n<p>\u201cSiminaarkaan qiima weyn ayuu u leeyahay dalka, wuxuuna ka turjumayaa qorshe hawleedkii Xukuumaddu soo jeedisay, kaas oo saldhiguusu yahay in dib loo abaabulo hey\u2019adihii dawladda si waajibka bulshadooda ka saaran u gutaan, barnaamijkaan wuxuu ka koobanyahay daah fur sahan tirakoob oo dalka si horudhac ah looga sameeya, xogtaan hada la hayana maahan middii rasmiga ahayd ee dalka, balse waa isku day, mudane Ra\u2019iisul Wasaaraha barnaamijkaan maanta intii aan wadnay dad baa u dhintay kuwa kalana waa u dhaawacmeen meelaha la tagay badankoodu maahan kuwa ammaan ah ama dawladdu gacanta ku hayso\u201d ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo furitaankii munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa xusay isku dayga laga sameeyay qiyaasta tirada dadka Soomaaliyeed inay fududaynayso in la ogaado guud ahaan tirada dadka Soomaaliyeed oo wixii ka danbeeyay dawladdii dhexe ee Soomaaliya aan lagu samayn tirakoob rasmi ah.<\/p>\n<p>Dhanka kale Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay Wasaaradaha Beeraha, Xanaanada xoolaha, Shaqada iyo shaqaalaha, Qorshaynta, iyo Wasaaradda arrimaha dibedda wuxuuna Ra\u2019iisul Wasaaruhu ku dhiirgeliyay shaqaalaha Wasaaradahaas inay dar-dar geliyaan hawlaha ay hayaan.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyay Xaruntii hore ee Wasaarada Beeraha oo dad shacab ah oo horay u daganaa tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya laga saaray dhawaana lagu samaynayo dib u-dhis.<\/p>\n<p>\u201cAad ayey ii farxad galinaysaa inaan maanta joogo xarunta Wasaarada beeraha oo ahayd xaruntii wax soo saarka, aqoont iyo cilmi baarista. Halkan aan maanta joogno waxaa laga maamuli jiray horumarka runta ah ee Soomaalidu u baahantahay\u201d ayuu yiri RW Cabdiwali<\/p>\n<p>Wasiirka Beeraha oo ku soo dhaweeyey Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa yiri \u201cMudane Ra\u2019iisul Wasaare muddo ka badan 23 sano kaddib waxay Wasaarada Beeruhu dib u heshay xarunteedii, dadkii meeshaan daganaa waxay nala garowsadeen in Wasaarad marti ah aysan waxba qaban karin\u201d ayuu yiri Wasiirka beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo.<\/p>\n<p>Ugu danbayntii Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku tagay wasaarada arrimaha dibedda, waxaana ujeedka kormeerkiisu ahaa mid loogu kuurgalayo hanaanka ay u shaqayso Wasaarada Arrimaha Dibeeda isagoo indha indhayn ku soo sameeyey xarunta Keyda Wasaaradda oo ay yaalaan dukomentiyadii Wasaarada Arrimaha Dibada laga soo bilaabo xiligii Gumaysiga ilaa 1991.<\/p>\n<p>ssoli11 ssoli12 ssoli13 ssoli14 ssoli15 ssoli16 ssoli17 ssoli19 ssoli191 ssoli192<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/ssoli15.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/ssoli15.jpg\" alt=\"ssoli15\" width=\"531\" height=\"354\" class=\"alignleft size-full wp-image-21632\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/ssoli15.jpg 531w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/ssoli15-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 531px) 100vw, 531px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeyb galay Siminaar lagu soo bandhigayey qiyaasta tirada dadka Soomaaliya oo ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamka iyo Sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadka (UNFPA), isagoo dhinaca kale kormeer ku tagay qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21631","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21631","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21631"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21631\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21633,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21631\/revisions\/21633"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21631"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21631"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21631"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}