{"id":21593,"date":"2014-05-18T15:09:33","date_gmt":"2014-05-18T12:09:33","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21593"},"modified":"2014-05-18T15:09:33","modified_gmt":"2014-05-18T12:09:33","slug":"ciidamada-qaramada-midoobay-ee-muqdisho-ku-sugan-oo-shaqo-bilaabay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/ciidamada-qaramada-midoobay-ee-muqdisho-ku-sugan-oo-shaqo-bilaabay\/","title":{"rendered":"CIIDAMADA QARAMADA MIDOOBAY EE MUQDISHO KU SUGAN OO SHAQO BILAABAY"},"content":{"rendered":"<p>Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa maanta guddoomiyey caleema saarkii rasmiga ahaa ee Cutubka Ilaalada Qaramada Midoobay, ciidan u dhisan difaac loona xilsaaray ilaalinta shaqaalaha QM iyo dhismayaashooda Muqdisho.<\/p>\n<p>Cutubka Ilaalada QM wuxuu ka koobanyahay 410 ciidan oo ay bixisay Xoogagga Difaaca Shacabka Uganda (UPDF). Cutubka Ilaalada, oo uu hogaaminayo Taliye Ugandays ah, waxaa mas\u2019uuliyaddooda hoos imaaneysaa mas\u2019uulka QM ugu magacaaban Soomaaliya, SRSG Kay. Cutubku waa awood sugan waxaana saldhig u noqon doona Gegida Caalamiga ah ee Muqdisho. <\/p>\n<p>\u201cSoo daabulidda Cutubka Ilaalada QM waa tallaabo muhiim ah sida aan annaguba usii wadno baahinta howlgalladeena aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed,\u201d Mudane Kay ayaa ka sheegay xafladda. \u201cWaxaan aad ugu mahad celineeynaa Uganda oo sii waddo in ay gacan ka geysato dhismaha-nabadda- iyo dalka Soomaaliya\u201d <\/p>\n<p>\u201cWaxaan sidoo kale u mahad celineynaa inta na marti gelisay, Dowladda Federaalka ah iyo dadka Soomaaliyeed, iyo saaxiibadeenna, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo aan uga mahad celineyno taageerada ay siiyaan Cutubka Ilaalada iyo ilaalada ay siiyaan QM,\u201d ayuu ku daray. <\/p>\n<p>Cutubkan Ilaalada oo si rasmi ah u billaabay howlihiisa 15kii May 2014, waxay ka dhigantahay ka qeyb noqoshadii ugu horreysay abid ay Xoogagga Difaaca Shacabka Uganda ka qayb noqdaan xarumaha howlgallada QM. <\/p>\n<p>\u201cDowladda Uganda waxaa ka go\u2019an in ay ku taageerto walaaleheena Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan gaarista nabad waatra\u201d ayuu yiri Sarreeye Guud Charles Angina, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee ka tirsan Xoogagga Difaaca Shacabka Uganda. \u201cWaa inoo sharaf inaan ku biirno qooyska QM, waxaan sameeyn doonnaa dadaal xoogan si loo xaqiijiyo awood ay QM howsheeda ugusii wadan karto gudaha Muqdisho jawi amaan iyo nabad ah.\u201d <\/p>\n<p>Sameynta Cutubka Ilaalada QM waxaa ansixiyey Golaha Ammaanka ee QM kadib markii Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon uu talo kusoo jeediyey daabuliddooda.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20324.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20324.jpg\" alt=\"20324\" width=\"267\" height=\"189\" class=\"alignleft size-full wp-image-21594\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa maanta guddoomiyey caleema saarkii rasmiga ahaa ee Cutubka Ilaalada Qaramada Midoobay, ciidan u dhisan difaac loona xilsaaray ilaalinta shaqaalaha QM iyo dhismayaashooda Muqdisho. Cutubka Ilaalada QM wuxuu ka koobanyahay 410 ciidan oo ay bixisay Xoogagga Difaaca Shacabka Uganda (UPDF). [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21593","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21593","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21593"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21593\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21595,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21593\/revisions\/21595"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21593"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21593"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21593"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}