{"id":21566,"date":"2014-05-17T19:50:44","date_gmt":"2014-05-17T16:50:44","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21566"},"modified":"2014-05-17T19:50:44","modified_gmt":"2014-05-17T16:50:44","slug":"maxaa-laga-sheegay-howlgalka-ethiopia-ee-ka-dhanka-ah-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/maxaa-laga-sheegay-howlgalka-ethiopia-ee-ka-dhanka-ah-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Maxaa laga sheegay howlgalka Ethiopia ee ka dhanka ah Al Shabaab?"},"content":{"rendered":"<p>Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri\u2019 Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa ambassador Wondimu Asaminew oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimoqraadiga Ethiopia u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulankaasi looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga xoogan ee labada dal u dhaxeeya.<\/p>\n<p>H.E.Buri\u2019 Hamza ayaa uga mahadceliyay dowladda Ethiopia martisooridda qaxootiga Soomaaliyeed ee ka cararay dagaalada sokeeye, shirarkii dib u heshiisiinta ay u qabatay  Soomaaliya iyo kaalinta xilligan ay kaga jirto howlgalka nabad ilaalinta (AMISOM) ,isagoo ku ammaanay dadaalada ciidamada Ethiopia ay ku garab taagan yihiin ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday dowladda Ethiopia inay kaalinteeda milatari ay ku lifaaqdo mashaariic dib u dhis iyo howlo samafal bani\u2019aadanimo oo ay ku gaarsiineyso dadka ku nool gobolada iyo degmooyinka laga xoreeyay kooxda nabad diidka.<\/p>\n<p>Kulankani ayaa waxaa  diiradda lagu saaray Xiriirka dhinacyada badan leh ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.<\/p>\n<p>Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ku booriyay dhammaan Safaaradaha  ka howlgala dalka Soomaaliya inay ilaaliyaan waxa loo yaqaan ( Diplomatic Channel) oo ah marinka diblomaasiyadeed ee laga soo galo Soomaaliya oo ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda, lagulana xiriiro dhammaan hey\u2019adaha dowladda iyo kuwa kale isagoo ka codsaday Wasaaradaha iyo Xafiisyada kala duwan ee dowladda inay iyaguna ay xushmeeyaan hab-maamuuska qaranka iyo marinka diblomaasiyadda, cazuumadaha loo fidiyo Safaaradaha iyo warqadaha loo diro Safaaradaha shisheeye iyo kuwa Soomaaliya ay ku leedahay dibadda la soo marsiiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , si dukumintigaasi u noqdo mid soo maray dhabaha sharciga, maadaama Wasaaraddu ay mas\u2019uul ka tahay xiriirka iyo siyaasadda dibadda.<\/p>\n<p>Dhankiisa ambassador Wondimu Asaminew ayaa muujiyay taageerada dowladdiisa ay u heyso dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo balan-qaaday in xiriir joogto ah la yeelan doono Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, waxa uu sidoo kale xusay in Xukuumadda Addis Ababa ay ka qeyb qaadaneyso mashaariicda dib u dhiska dalka , ayna  caawin doonto dadka Soomaaliyeed ee ku nool degmooyinka dhowaantan laga xoreeyay kooxda nabad diidka.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/download-210.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/download-210.jpg\" alt=\"download-210\" width=\"275\" height=\"183\" class=\"alignleft size-full wp-image-21567\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri\u2019 Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa ambassador Wondimu Asaminew oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimoqraadiga Ethiopia u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kulankaasi looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga xoogan ee labada dal u dhaxeeya. H.E.Buri\u2019 Hamza ayaa uga mahadceliyay dowladda Ethiopia martisooridda qaxootiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21566","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21566","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21566"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21566\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21568,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21566\/revisions\/21568"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21566"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21566"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21566"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}