{"id":21540,"date":"2014-05-17T14:35:07","date_gmt":"2014-05-17T11:35:07","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21540"},"modified":"2014-05-17T14:35:07","modified_gmt":"2014-05-17T11:35:07","slug":"faah-faahin-kasoo-baxayso-qaraxyadii-ka-dhacay-dalka-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/faah-faahin-kasoo-baxayso-qaraxyadii-ka-dhacay-dalka-kenya\/","title":{"rendered":"FAAH-FAAHIN KASOO BAXAYSO QARAXYADII KA DHACAY DALKA KENYA"},"content":{"rendered":"<p>Ku dhawaad 10 ruux oo maalintii shalay ku geeriyootay qarax ka dhacay suuq ku yaala magaalada Nairobi ayaa sababtay inay sii kordhaan digniinaha dhanka amaanka ee ku wajahan magaalooyinka dalka Kenya.<br \/>\nXarunta dhexe ee howlgalka Masiibada ayaa sheegtay in ku dhawaad 76 ruux ay ku dhaawacan qaraxyada ka dhacay suuqa Gikomba ee dalka Kenya oo ku dhow xaafada Islii oo Soomaalida ay ku badan tahay.<\/p>\n<p>Dowlada Mareykanka ayaa soo saartay digniin ay u jeedinayso muwaadiniinteeda oo ku aadan inaysan u safrin magaalooyin waaweyn ee dalka Kenya, waxii kadambeeyay markii qaraxyo isdaba joog ah ay ka dhaceen dalkaasi Kenya.<\/p>\n<p>Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ALshabaab ay ka dambeeyaan qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Kenya oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray muwaadiniin Kenyan ah.<\/p>\n<p>Qaraxyada ayaa kusoo aaday maalin kadib markii dowlada Mareykanka iyo UK ay soo saareen digniin aheyd inaan loo safrin goobaha ay suurto-gal tahay in weeraro qaraxyo ah ay ka dhacaan.<\/p>\n<p>Qoraal kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta American ah aysan u safrin magaalada Mombasa iyo magaalooyin kale ee loo dalxiis tago.<\/p>\n<p>Dowlada Kenya ayaa dhankeeda dowladaha soo saaraya digniinahaasi ku tilmaamtay mid muujineyso xiriir saaxiibtinimo la\u2019aan, iyadoo dalbaday in laga saacidi hayadaha sirdoonka Kenya, hadii dowladaha kale ay helaan xogo dhanka amaanka ah.<\/p>\n<p>Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hadalkaan shalay oo jimce aheyd ka sheegay shir jaraa\u2019id oo uu saxaafada ugu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.<br \/>\n<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20300.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20300.jpg\" alt=\"20300\" width=\"532\" height=\"375\" class=\"alignleft size-full wp-image-21541\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20300.jpg 532w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20300-300x211.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 532px) 100vw, 532px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ku dhawaad 10 ruux oo maalintii shalay ku geeriyootay qarax ka dhacay suuq ku yaala magaalada Nairobi ayaa sababtay inay sii kordhaan digniinaha dhanka amaanka ee ku wajahan magaalooyinka dalka Kenya. Xarunta dhexe ee howlgalka Masiibada ayaa sheegtay in ku dhawaad 76 ruux ay ku dhaawacan qaraxyada ka dhacay suuqa Gikomba ee dalka Kenya oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21540","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21540","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21540"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21540\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21542,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21540\/revisions\/21542"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21540"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21540"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21540"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}