{"id":21523,"date":"2014-05-16T19:49:57","date_gmt":"2014-05-16T16:49:57","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21523"},"modified":"2014-05-16T19:51:56","modified_gmt":"2014-05-16T16:51:56","slug":"muwaaddiniin-u-dhashay-dalka-britain-oo-maanta-laga-daad-gureeyay-kenya-see-more-at-httphiiraan-comnews2014maywararka_maanta16-46603-htmsthash-zqmc6i6g-dpuf","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/muwaaddiniin-u-dhashay-dalka-britain-oo-maanta-laga-daad-gureeyay-kenya-see-more-at-httphiiraan-comnews2014maywararka_maanta16-46603-htmsthash-zqmc6i6g-dpuf\/","title":{"rendered":"Muwaaddiniin u Dhashay dalka Britain oo maanta laga daad-gureeyay Kenya &#8211;"},"content":{"rendered":"<p>Jimco, May 16, 2014 (HOL) \u2014 Boqollaal ka mid ah dalxiisayaal dalka Britain u dhashay ayaa laga daad-gureeyay maanta dalka Kenya, kaddib markii ay soo saartay Britain digniin ku saabsan in Kenya ay ka dhici karaan falal argagaxiso.<\/p>\n<p>Mid ka mid ah saraakiisha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Moi ayaa u sheegay warbaahinta Kenya in 336-qof oo dalxiisayaal British ah in maanta laga qaaday magaalada Mombasa ee dalka Kenya.<\/p>\n<p>\u201cDadkan waxaa lagu qaaday laba diyaaradood kuwaasoo dib ugu celinaya dalka Britain,\u201d ayuu yiri sarkaalkan oo diiday inuu magaciisa sheego. Isagoo intaas ku daray inay jiraan diyaarado kale oo doonaya inay dalxiisayaal kale oo British ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale, warbixin ay soo saartay dowladda Britain ayaa lagu sheegay in tan iyo 31-ka Oktoobar ee sannadkan la joojiyay duulimaadyada ay shacabka dalka Britain u dhashay ku tegi jireen magaalada Mombasa.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan fahamsannahay in kalyanti badan oo safar ku tegi jiray Kenya xilliyada fasaxa ah ay tani dhibi doonto. Balse innagoo raacayna digniinta wasaaradda arrimaha dibadda Birtain ayaan go\u2019aankan u qaadannay,\u201d ayaa qoraalka lagu yiri.<\/p>\n<p>Dowladda Britain ayaa toddobaadkan soo saartay diniin ahayd in dadka dalkeeda ay u safraan dalka Kenya, iyadoo sheegtay inay dhici karaan falal argagaxiso oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.<\/p>\n<p>Xukuumadda Kenya ayaa dhankeeda soo saartay warbixin ay ku sheegayso inay kalsooni ku qabto ammaanka Kenya ayna imaan karaan dalxiisayaasha, iyadoo la xusuusan yahay in Kenya dhaqalaha ugu badan uu kasoo galo dalxiiska<\/p>\n<p>&#8211; See more at: http:\/\/hiiraan.com\/news\/2014\/May\/wararka_maanta16-46603.htm#sthash.zQMC6I6G.dpuf<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/2014516635358355158735356622x350.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/2014516635358355158735356622x350.jpg\" alt=\"2014516635358355158735356622x350\" width=\"547\" height=\"350\" class=\"alignleft size-full wp-image-21524\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/2014516635358355158735356622x350.jpg 547w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/2014516635358355158735356622x350-300x191.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 547px) 100vw, 547px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco, May 16, 2014 (HOL) \u2014 Boqollaal ka mid ah dalxiisayaal dalka Britain u dhashay ayaa laga daad-gureeyay maanta dalka Kenya, kaddib markii ay soo saartay Britain digniin ku saabsan in Kenya ay ka dhici karaan falal argagaxiso. Mid ka mid ah saraakiisha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Moi ayaa u sheegay warbaahinta Kenya in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21523","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21523","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21523"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21523\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21527,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21523\/revisions\/21527"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21523"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21523"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21523"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}