{"id":21444,"date":"2014-05-15T15:11:23","date_gmt":"2014-05-15T12:11:23","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21444"},"modified":"2014-05-15T15:11:23","modified_gmt":"2014-05-15T12:11:23","slug":"raiisul-wasaare-cabdiweli-oo-maanta-kulan-kula-qaatay-xafiiskiisa-saraakiil-talyaani-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/raiisul-wasaare-cabdiweli-oo-maanta-kulan-kula-qaatay-xafiiskiisa-saraakiil-talyaani-ah\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul wasaare Cabdiweli oo maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa saraakiil Talyaani ah"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha guud ee Ciidamadda Talyaaniga u qaabilsan hawlgalada dibedda oo Soomaaliya kamid tahay general Batarooni.<\/p>\n<p>Kulanka Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo Taliyaha oo uu goob-joog ka ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka dalka, tababarada iyo taageerada ay dawladda Talyaanigu siiso Ciidamadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cTalyaanigu waa saaxiibo in muddo ah taageero noo fidinayey, kulankaana wuxuu sii xoojinayaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxayna dhowr jeer oo hore ugu deeqeen ciidamada qalabka qalab iyo tababaro ay siiyeen ciidamada. Waxaana hadda dalka ku sugan khubaro dhanka ciidamada ah oo naga taageera dhanka tababarada Ciidamadeena\u201dayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Xaamud oo kulanka kaddib shir Jaraa\u2019id saxaafadda u qabtay ayaa sheegay in Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo Taliyuhu ay ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa taageerada dhanka Millatariga ee dawladda Talyaanigu siiso Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cMaanta magaalada Muqdisho waxaa nagu soo booqday Jeneraal Bataroni oo ka socday dalka Talyaaniga kaasoo ah u qeybsanaha dawladda Talyaaniga ee hawlgalada dibeddda, sidaad la socotaana Soomaaliya waxaa ka jooga Talyaaniga saraakiil tababar siiya Ciidamadeena, waxaana isla soo qaadnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhanka milateriga ee ka dhaxeeya labada dal\u201d ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo dhinaca kale sheegay in dawladda Talyaanigu ay ballan qaaday kordhinta taageerada ay dawladda Soomaaliya siiyaan.<\/p>\n<p>Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga. Maxamed Xasan Xaamud ayaa ka hadlay dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo kuwaas oo ay ku dhinteen tiro dad ah oo iskugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamayay.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan halkaan tacsi uga dirayaa ehelada dadkii ku dhintay dagaalkii shalay, kuwii ku dhaawacmayna waxaan Alle uga baryaynaa inuu caafimaad siiyo, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay Beled-xaawo inay joojiyaan dagaalka kana qeyb qaataan sidii colaadaas looga hortagi lahaa\u201d ayuu yiri Wasiirka oo dhanka kale beeniyay Ciidamadda dawladda Soomaaliya inay ku lug-leeyihiin dagaaladii shalay dhacay.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay dagaalada ka dhacaya magaalada Beled-xaawo inay fursad siin karaan kooxaha Al-shabaab inay markale is abaabulaan, iskuna dayaan in ay gacanta ku dhigaan magaalada<\/p>\n<p>58 48 88 78 118 312<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/58-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/58-150x150.jpg\" alt=\"58-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-full wp-image-21445\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha guud ee Ciidamadda Talyaaniga u qaabilsan hawlgalada dibedda oo Soomaaliya kamid tahay general Batarooni. Kulanka Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo Taliyaha oo uu goob-joog ka ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka dalka, tababarada iyo taageerada ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21444","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21444","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21444"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21444\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21446,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21444\/revisions\/21446"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21444"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21444"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21444"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}