{"id":21366,"date":"2014-05-12T13:56:25","date_gmt":"2014-05-12T10:56:25","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21366"},"modified":"2014-05-12T13:56:25","modified_gmt":"2014-05-12T10:56:25","slug":"warbixin-xildhibaano-ku-kala-goay-mooshinka-m-weyne-xasan-sheekh","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/warbixin-xildhibaano-ku-kala-goay-mooshinka-m-weyne-xasan-sheekh\/","title":{"rendered":"WARBIXIN: Xildhibaano ku kala go\u2019ay mooshinka M.weyne Xasan Sheekh"},"content":{"rendered":"<p>Kadib buuq xoog leh oo hareereeyay Dowladda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya qaarkood, ayaa toddobaad kadib lagu guuleystay in la kala fur furo Xildhibaanadii Baarlamaanka, ee soo jeedisay in uu is casilo Madaxweynaha Somaliya.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumada oo kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaanada ku eedeeyay Dowladda in ay fashilmatay, ayaa waxay ku qanciyeen in ay ka laabtaan, soo jeedintoodii ku aadaneyd in uu is casilo Madaxweynaha Somaliya, markii ay ku eedeeyeen in ay fashilmatay Dowladdiisa.<\/p>\n<p>Faarax Sheekh C\/qaadir Maxamed, Wasiirka Cadaalada &#038; Dastuurka ee Soomaaliya, oo siyaabooyin kala duwan u qaabilay Xildhibaano badan, ayaa waxay u sheegeen in ay ka laabteen cadaadiskii ay ku hayeen Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka ee Soomaaliya C\/kariin Xuseen Guuleed, oo Axadii dib kaga soo laabtay safar uu muddo 5 cisho ah ugu maqnaa Magaalada London, ayaa waxa uu gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay uu kulamo kala duwan, uu la qaadanaayay Xildhibaanada ku dhaliilay Dowladda, inay fashilmatay muddo 18 bilood kadib.<\/p>\n<p>Wasiirka oo Xildhibaanada qaarkood ku booqday Hoteelada Magaalada Muqdisho ay ka degan yihiin, ayaa waxa uu kala hadlay waxa keenay inay buuq ku furaan Dowladda, xilli ay Madaxdu qabaan, in Dowladdu ku shaqeyneyso marxalad adag.<\/p>\n<p>Wasiir Guuleed oo sidoo kale xalay hoygiisa ku qaabilay tiro kale oo Xildhibaano ah, ayaa waxa uu ka codsaday in fursad la siiyo Dowladda Soomaaliya, si ay u sii amba qaado hawlaha hor-gudban.<\/p>\n<p>Ilo muhiim ah, ayaa Garoowenews Online u sheegay Xildhibaanada Baarlamanaka Somaliya, in laba meelood oo meel, ay ka laabatay soo jeedintoodii ahayd in uu is casilo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Xildhibaanada qaar ka tirsan, ayaa ku andacooday in wado khaldan loo adeegsan gaaray, isla-markaana ay dib kaga fiirsanayaan in markale lagu soo hogaamiyo, in ay ka hor yimaadaan Xukuumada.<\/p>\n<p>Waxa keenay buuqa lagu furay Dowladda<\/p>\n<p>Ilaa laba arrimood, ayaa la aaminsan yahay in ay ka dambeeyeen khilaafka soo kala dhex galay Dowladda iyo Baarlamaanka, iyadoo ay dhabarka ka riixayeen Xildhibaano gadoodsan.<\/p>\n<p>Midda hore waxay ka dhalatay markii Shirkadda laga lee yahay dalka Turkiga ee ka hawlgasha Garoonka Aadan Cadde, ay ka joojisay Shirkadda Supreme oo shidaalka ka iibin jirtay diyaaradaha ka hawlgala Garoonka.<\/p>\n<p>Tani waxaa sabab looga dhigay, iyadoo Shirkadda FAVORI aynaan jirin cid la wadaagta adeegyada guud ee ka jira goobaha ay maamusho, taasina ay meesha ka saartay Shirkaddii Shidaalka ee Supreme, oo uu lee yahay Xildhibaan C\/qaadir Cali Cosoble, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya<\/p>\n<p>Midda labaad, ayaa waxay ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiye-yaashii Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo ay xusid mudan tahay in Xildhibaano badan, ay dhaqaalo ka heli jirayn Gudoomiye-yaashii hore.<\/p>\n<p>Xildhibaanada qaar oo Hoteelada Muqdisho ku degganaa bilaa lacag, ayaa waxaa dabari jiray Gudoomiye-yaashii xil ka qaadista intooda badan lagu sameeyay bishii April, isla-markaana la magacaabay dhalinyaro yar yaro, oo aanba aqoon in la afgarto Xildhibaanada.<\/p>\n<p>Xildhibaanadu waxay ka caroodeen, iyadoo ay meesha ka baxday faa\u2019iidadii ay ku heysteen Gudoomiye-yaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, bacdamaa dhalinta la magacaabay noqdeen, kuwo aan ku luqad ahayn.<\/p>\n<p>Waxa jira Xildhibaano kale oo kursi doon ah<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo ka qayb qaatay, soo jeedintii ahayd in uu is casilo Madaxweynaha Somaliya, kuwaa oo ujeedadii lagu macneeyay mid kursi uun la xiriirta.<\/p>\n<p>Xildhibaanadaan waxaa la sheegay in Xukuumadii ugu dambeysay ay ka doonayeen in ay xilal ka qabtaan, laakiin aynaan taasi suurta gelin, culeysyo jiray awadeed, iyana cudurdaar loo muujiyay.<\/p>\n<p>Mudane-yaashaan oo ka soo kala jeeda Beelaha Soomaalida, ayaa waxaa soo badanaaya eedeymaha kala duwan ee loo jeedinaayo, markii ay horey ugu hungoobeen xilal ay ka qabtaan Xukuumada C\/weli Sheekh Axmed Maxamed.<\/p>\n<p>Villa Somalia, ayaa laga rumeysan yahay in ay meesha ka baxday culeyskii Xildhibaanada Baarlamaanka, ay qaarkood ku hayeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Si kastaba ha-ahaatee dadaalada lagu kala jebiyay Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxay meesha ka saareysaa in xilligaan la rido Golaha Fulinta, sidoo kalana waxay u ogolaaneysaa in ay sii amba qaadaan shaqooyinka horyaala<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/baarlamaanka-11-620x330.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/baarlamaanka-11-620x330.jpg\" alt=\"baarlamaanka-11-620x330\" width=\"620\" height=\"330\" class=\"alignleft size-full wp-image-21367\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/baarlamaanka-11-620x330.jpg 620w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/baarlamaanka-11-620x330-300x159.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 620px) 100vw, 620px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kadib buuq xoog leh oo hareereeyay Dowladda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya qaarkood, ayaa toddobaad kadib lagu guuleystay in la kala fur furo Xildhibaanadii Baarlamaanka, ee soo jeedisay in uu is casilo Madaxweynaha Somaliya. Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumada oo kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaanada ku eedeeyay Dowladda in ay fashilmatay, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21366","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21366","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21366"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21366\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21368,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21366\/revisions\/21368"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21366"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21366"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21366"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}