{"id":21309,"date":"2014-05-10T18:13:29","date_gmt":"2014-05-10T15:13:29","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21309"},"modified":"2014-05-10T18:13:29","modified_gmt":"2014-05-10T15:13:29","slug":"baarlamaanka-oo-qodobo-ka-soo-saaray-shirkada-favori","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/baarlamaanka-oo-qodobo-ka-soo-saaray-shirkada-favori\/","title":{"rendered":"Baarlamaanka oo QODOBO ka soo saaray Shirkada FAVORI"},"content":{"rendered":"<p>Kulanka ay Mudanayaasha Baarlamaanku kusoo gebagebeynayeen ka doodidda heshiiskii Xukuumaddu la gashay shirkadda FAVORI ee dalka Turkiga ee la xiriira maamulidda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa shir gudoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayadoo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu isna kulanka goob joog ka ahaa.<\/p>\n<p>Xildhibaannada Baarlamaanka doodoodu waxa ay u dhaceysay laba dhinac ayadoo Mudaneyaasha qaarkood ay muujinayeen iney haboontahay in shirkadan ayada oo aanay Baarlamaanku ansixin si sharci daro ah u howlgashay laga joojiyo shaqada, heshiiskana la diido halka ay mudaneyaasha qaarkoodna soo jeediyeen in ay haboontahay in Xukuumadda dib loogu celiyo heshiiskan oo aanan la diidin.<\/p>\n<p>Dooda Xildhibaannada Baarlamaanka marka ay soo gebageboowday waxa uu Guddoonka Baarlamaanka iskudayey in warbixinta heshiiska ay Xukuumaddu la gashay shirkadda FAVORI ee Golaha Shacabka dhowaan ay usoo gudbiyeen guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka la gudo galo,  laakiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gebagebadii kulanka sheegay inaanay la gudageli karin codeynta maanta tirada Xildhibaannada fadhida darteed balse dib loo dhigay, iyadoo codeynta heshiiskan ay dhacayso maalinnimada berrito ah.<\/p>\n<p>Heshiiskan ku saabsan maamulidda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa shirkada FAVORI ee laga leeyahay dalka Turkiga la gashay Xukuumaddii uu Ra\u2019isulwasaaraha ka ahaa Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaana Baarlamaanka uu horyaalaa mudo ku siman Todobo Bilood  ah waloow maanta uu soo gaaray marxaladii ugu dambeysay oo ah in loo codeeyo.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/images4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/images4.jpg\" alt=\"images4\" width=\"253\" height=\"199\" class=\"alignleft size-full wp-image-21310\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kulanka ay Mudanayaasha Baarlamaanku kusoo gebagebeynayeen ka doodidda heshiiskii Xukuumaddu la gashay shirkadda FAVORI ee dalka Turkiga ee la xiriira maamulidda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa shir gudoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayadoo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu isna kulanka goob joog ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21309","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21309","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21309"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21309\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21311,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21309\/revisions\/21311"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21309"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21309"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21309"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}