{"id":21291,"date":"2014-05-10T14:04:01","date_gmt":"2014-05-10T11:04:01","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21291"},"modified":"2014-05-10T14:04:01","modified_gmt":"2014-05-10T11:04:01","slug":"qm-oo-ka-digtay-in-abaaraha-soomaaliya-ka-daraan-haddii-dhaqso-wax-looga-qaban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/qm-oo-ka-digtay-in-abaaraha-soomaaliya-ka-daraan-haddii-dhaqso-wax-looga-qaban\/","title":{"rendered":"QM OO KA DIGTAY IN ABAARAHA SOOMAALIYA KA DARAAN HADDII DHAQSO WAX LOOGA QABAN"},"content":{"rendered":"<p>Roobabka oo aad u yar, qiimaha cuntada oo sare maray iyo dagaalada oo soo socda ayaa sababay in xaalada Soomaaliya ay kasii darto, sidaasi waxaa yiri Isuduwaha Arrimaha Bani\u2019aadamnimada Qaramada Midoobay Phillipe Lazzarini.<\/p>\n<p>Phillipe Lazzarini, ayaa ka digay in haddii sida ugu dhaqsiyaha badan aan arimahaasi wax looga qaban ay horseedi karto in xaalada ay kasii darto bilo kadib, qaas ahaan haddii dhaqaalaha taageerada uu yaraado ay sababi karto in mashaariicda ay hoos u dhacaan.<\/p>\n<p>Isku duwaha arimaha bini\u2019aadanimada Qaramada Midoobay ayaa hadalkaan ka jeeday kadib markii wariyaasha uu kula hadlay magaalada Genava ee dalka Switzerland, isagoo sheegay in haddii dhaqaalahaasi todobaadyo gudahooda lagu bixin ay xaalada kasii dari karto.<\/p>\n<p>\u201cHaddii dhaqaalaha aan lagu helin todobaadyada soo socda, adeegyada caafimaadka dadka u baahan oo gaaraya 3 milyan, oo badankood ay yihiin haween iyo caruur, ayaa noloshooda weyn kara\u201dsidaasi ayuu yiri Mr Lazzarini.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in arintaasi ay ugu wacan tahay dib u dhaca xili roobeedka, sara u kaca qiimaha raashiinka iyo dagaalada oo kasii socda Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay inay sababayaan in Soomaaliya ay ku laabato abaarihii ka dhacay sanado ka hor.<br \/>\n<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20177.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20177.jpg\" alt=\"20177\" width=\"300\" height=\"168\" class=\"alignleft size-full wp-image-21292\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Roobabka oo aad u yar, qiimaha cuntada oo sare maray iyo dagaalada oo soo socda ayaa sababay in xaalada Soomaaliya ay kasii darto, sidaasi waxaa yiri Isuduwaha Arrimaha Bani\u2019aadamnimada Qaramada Midoobay Phillipe Lazzarini. Phillipe Lazzarini, ayaa ka digay in haddii sida ugu dhaqsiyaha badan aan arimahaasi wax looga qaban ay horseedi karto in xaalada ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21291","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21291","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21291"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21291\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21293,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21291\/revisions\/21293"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21291"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21291"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21291"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}