{"id":21247,"date":"2014-05-09T09:20:54","date_gmt":"2014-05-09T06:20:54","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21247"},"modified":"2014-05-09T09:20:54","modified_gmt":"2014-05-09T06:20:54","slug":"wasiirada-oo-ku-dhawaaqay-in-xaalad-biyo-iyo-cunto-yari-ah-ay-ka-jirto-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/wasiirada-oo-ku-dhawaaqay-in-xaalad-biyo-iyo-cunto-yari-ah-ay-ka-jirto-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Wasiirada oo ku dhawaaqay in xaalad biyo iyo cunto yari ah ay ka jirto Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho, May 08, 2014 \u2014 Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya. Shirka golaha wasiirada ayaa maanta si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray dhibaatada cunta yarida iyo gabaabsiga biyaha ee ka jira dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Golaha Wasiirada ayaa markii ay dood dheer ka yeesheen xaaladda abaaraha iyo cunta yarida dalka, waxay ku dhawaaqeen in waddanka ay ka jirto cunto yari iyo gabaabsi dhinaca biyahaa ah. Golaha ayaa tilmaamay in gobolada ay dhibaatadani saamaysay ay ugu badan yihiin Bakool, Hiiraan iyo Galguduud, waxana ay sheegeen in dowladda Soomalaiya ay guddi qiimayn ah u saartay dhibaatadan abaaraha, islamarkaasina gargaar loo fudin doono dadka dhibaataysan.<\/p>\n<p>Dowladda Soomalaiya ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo hay\u2019adaha gargaarka inay kaalmo u fidiyaan dadka ay dhibaatadu saamaysay iyadoo goluhu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaalin hoggaamineed qaadanayso.<\/p>\n<p>\u201c Dowladda Soomaaliya markii ay qiimaysay xaaladda abaaraha ee dalka ka jirta waxay ku dhawaaqaysaa in dhibaato cunto yari iyo gabaabsi dhinaca biyaha ah ay ka jirto dalka Soomaaliya. Gobolada ugu daran ee ay dhibaatadani saamaysay waxaa ka mid ah Bakool, Hiiraan iyo Galguduud\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenku, waxana uu raaciyey<\/p>\n<p>\u201c Xukuumaddu waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo dadka dhibaataysan, waxana ay beesha caalamka ugu baaqaysaa inay naga gacan siiyaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa\u201d<\/p>\n<p>Dhammaad<\/p>\n<p>Cabdirashiid Muuse Siciid<br \/>\nPress Officer for the OPM<br \/>\nPrime Minister\u2019s Media Office<br \/>\nMogadishu, Somalia<br \/>\nTel: +252 6163 18823<br \/>\nEmail: media@opm.gov.so<br \/>\n<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/Gole-wasiiro-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/Gole-wasiiro-150x150.jpg\" alt=\"Gole-wasiiro-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-full wp-image-21248\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, May 08, 2014 \u2014 Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya. Shirka golaha wasiirada ayaa maanta si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray dhibaatada cunta yarida iyo gabaabsiga biyaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21247","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21247","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21247"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21247\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21249,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21247\/revisions\/21249"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21247"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21247"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21247"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}