{"id":21235,"date":"2014-05-07T19:43:27","date_gmt":"2014-05-07T16:43:27","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21235"},"modified":"2014-05-07T19:43:27","modified_gmt":"2014-05-07T16:43:27","slug":"madaxweynaha-soomaaliya-oo-dalka-dib-ugu-soo-laabtaydhageyso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/madaxweynaha-soomaaliya-oo-dalka-dib-ugu-soo-laabtaydhageyso\/","title":{"rendered":"MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY+DHAGEYSO"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo kasoo ambabaxay dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana soo dhaweynta Madaxweynaha maanta si weyn looga dareemay qeybaha ay caasimaddu ka koobantahay, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xubno katirsan golaha wasiirada iyo mudnaayal farabadan oo katirsan barlamankaa Soomaaliya, dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Benaadir, maamulka Gobolka, siyaasiyiin, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo xubno kale . <\/p>\n<p>Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxay safaradii uu ku tagey dalalka Ethiopia iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia uu kula kulmay Ra\u2019iisul wasaaraha Ethiopia iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry.<\/p>\n<p>\u201cDalka Ethiopia waxaan kula kulanay Ra\u2019iisul wasaaraha Ethiopia iyo Golahiisa wasiirada, waxaan ka wada hadalnay arrimaha dalka iyo tan gobolka, sida Koonfurta Suudaan waxa ka socda, horumarka xagga amniga ee Soomaaliya ku talaabsatay, maadaama uu yahay guddoonka IGAD, sidoo kale dalkaasi waxaan kula kulanay John Kerry Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka oo aan isla soo qaadnay cilaaqaadka labada dal, kaalmada Maraykanka sida loo sii kordhin lahaa, amniga sidii ay gacan uga geysan lahaayeen, amniga gobolka, waxaan ka wada hadalmay oo kale arrinta shirka August ka furmaya Maraykanka ee Africa oo wada tashi horudhac ah aan ka yeelanay, iskaashiga amniga iyo la dagaalanka argagixisada, sidii Soomaaliya looga kaabi lahaa dib u soo noqashada dhaqaalaha dalka\u201d ayuu yiri Madaxweyne Xasan.<\/p>\n<p>Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in kulamdii uu laoso qatay Madaxda Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ay islamaeel dhigeen mashaariic muhiim ah oo laga hirgelinayao guud ahaan dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri \u201cWaxaan isla soo qaadnay sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha dalka, waxaa ugu muhiimsan in Soomaaliya laga kaabo saddex arrimood oo labo ka mid ah ay dhanka dhaqalaaha la xiriiraan, in Soomaaliya laga caawiyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, ka hortagga fataahada, in mashaariic xagga kaabayaasha dhaqaalaha, goor dhaw dalka ayay soo gaari doonan guddi sameeya indho indheyn iyo qiimeeyn, qodobka labaad waxa ay tahay sidii ay shirkadaha Imaaraadka ay u maalgeshan lahaayeen dalka, marka waxaan rajeynaynaa in mashaariicdaasi dhaqaale ay wax ka badali doonaan dhaqaalaha dalka, runtii shaqaale badan oo Soomaaliyeed ayaa ka faa\u2019iideysan doona\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka hadlay dhawaq siyaasadeed oo uu sheegay inay qabaan xubno ka tirsan baarlamaanka, isagoo sheegay in qof weliba fikirkiisa cabirikaro taasina ay muujineyso sida dalkeenu horumarka uga gaaray dhanka dimoqraadiyadda inkastoo uu xusay in cid weliiba oo dareenkeeda wanaag huwanyahay uu la fariisto si taladooda loo dhageysto.<\/p>\n<p>\u201cAad iyo aad ayaan u xushmeynayaa ra\u2019yiga qofka Soomaaliga ah, haddii uu yahay Siyaasi ama uu yahay qof shacab caadi ah, fikir kasta oo la cabirayo waxa ay leedahay meel munaasab ah oo lagu cabiro, waxaan diyaar u yahay in cidkasta oo haysa fikir Soomaali lagu dhisayo waan soo dhaweyneynaa, dhaqanka dowladnimana hala ilaaliyo\u201d ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in qiimeyn lagu sameeyo dowlada Soomaliya waxyaabaha ay ku talaabsatay si farta loogu fiiqo meelaha laga gaabiyay iyo dhinacyada horumarka laga sameeyay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo 2dii bishan ka dhoofay dalka ayaa soo dhaweeyn heerkeedu sareeyo maanta loo samaeeyay waxa ayna muujineysaa sida ay dowladda u kasbatay Shacabka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in Madaxweynuhu uu ka soo lugeeyay taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere uu lug ku yimid xarunta Madaxtooyada Qaranka, iyadoo dadweynihii soo dhaweynayay uu mid mid u salaamay.<br \/>\n<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20138.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20138.jpg\" alt=\"20138\" width=\"640\" height=\"427\" class=\"alignleft size-full wp-image-21236\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20138.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20138-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo kasoo ambabaxay dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana soo dhaweynta Madaxweynaha maanta si weyn looga dareemay qeybaha ay caasimaddu ka koobantahay, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21235","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21235","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21235"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21235\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21237,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21235\/revisions\/21237"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21235"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21235"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21235"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}