{"id":21130,"date":"2014-05-05T15:12:16","date_gmt":"2014-05-05T12:12:16","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21130"},"modified":"2014-05-05T15:12:17","modified_gmt":"2014-05-05T12:12:17","slug":"wararkii-ugu-ambeeyay-shirkii-xalay-raiisul-wasaaraha-uu-la-qaatay-laamaha-ammaanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/wararkii-ugu-ambeeyay-shirkii-xalay-raiisul-wasaaraha-uu-la-qaatay-laamaha-ammaanka\/","title":{"rendered":"WARARKII UGU AMBEEYAY SHIRKII XALAY RA&#8217;IISUL WASAARAHA UU LA QAATAY LAAMAHA AMMAANKA"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Cabdikarin Xusein Guuleed, Wasiiru dowlaha Amniga Da\u2019ud Cabdikarin Sh. Cumar iyo Wasiiro ku xigeeno ayaa xalay booqday xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay uga qayb galaan kulan lagu soo bandhigayey wax qabadka ciidanka oo ay soo qaban qaabiyeen hogaamada booliska iyo khabiiro diyaarinaya sidii dib u dhis balaaran loogu samayn lahaa ciidanka booliska.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, isagoo kormeer ku tagay qaybo kamid ah xarumaha ay Ciidamadda Boolisku hubka ku kaydsadaan oo dhawaan dib-u-habayn lagu sameeyay.<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C\/xakiin Daahir Siciid (Saacid) ayaa warbixin ka siiyay Ra\u2019iisul Wasaaraha qaabka ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u shaqeeyaan iyo hawlihii ay qabteen muddooyinkii laga soo gudbay.<\/p>\n<p>\u201cCiidamadda Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen hawlo badan oo ay kamid tahay dib u habayn lagu sameeyey xarumaha Ciidamadda Booliska , waxaana kor loo qaaday tayada iyo tirada Ciidanka si amniga dalka ay wax badan uga qabtaan\u201d ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska oo ka hadlayay kulanka.<\/p>\n<p>\u201cMudane Ra\u2019iisul Wasaare waxaan diyaarinay Barnaamij aan isleenahay wax badan ayuu ka badalayaa amniga Caasimadda, Barnaamijkaan waa sidii laysugu xiri lahaa Booliska iyo Bulshada, ( Community Police) waxayna la shaqaynayaan Ciidamadda Booliska, waxaana lagu bilaabi shan kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, dhawaana waxaan rajaynaynaa inaa gaarsiino degmooyinka harsan iyo gobollada dalka, arintaana waxay qayb ka qaadanaysaa Amniga iyo isku xirka Booliska iyo Bulshada.\u201d <\/p>\n<p>Ugu danbayn waxaa kulanka ka hadlay Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo uga mahadceliyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed hawlaha badan ee ay qabteen muddooyinkii lasoo dhaafay, isagoo ku dhiiri galiyay in kor loo qaado hawlaha sugida Amniga iyo dib-u-habaynta Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cAad ayaan ugu riyaaqay wax qabadka aad soo ban dhigteen iyo qorshiihiin aad dib dhis ugu habaynaysaan Ciidanka Booliska, waxaana Xukuumaddu dadaal u gali doontaa sidii baahida aad soo jeediseen wax looga qaban lahaa, waxaana kulamo joogta ah yeelan doona xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo taliska ciidanka Booliska si waqti badan loo galiyo dib u dhiska ciidanka iyo tayeeyntooda, taas oo haddii aan wax laga qaban ay adag tahay in amaanka qaabkii loo baahnaa loo wajaho\u201d<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20084.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20084.jpg\" alt=\"20084\" width=\"640\" height=\"426\" class=\"alignleft size-full wp-image-21131\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20084.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20084-300x199.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Cabdikarin Xusein Guuleed, Wasiiru dowlaha Amniga Da\u2019ud Cabdikarin Sh. Cumar iyo Wasiiro ku xigeeno ayaa xalay booqday xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay uga qayb galaan kulan lagu soo bandhigayey wax qabadka ciidanka oo ay soo qaban qaabiyeen hogaamada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21130","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21130","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21130"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21130\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21132,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21130\/revisions\/21132"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21130"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21130"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21130"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}