{"id":21076,"date":"2014-05-03T14:28:23","date_gmt":"2014-05-03T11:28:23","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21076"},"modified":"2014-05-03T14:28:58","modified_gmt":"2014-05-03T11:28:58","slug":"madaxweynaha-soomaaliya-xasan-sheekh-maxamuud-ayaa-sheegay-inuu-socdo-qorshe-ku-aadan-sidii-sanadka-2016-dalka-looga-hirgelin-lahaa-doorasho-isagoo-cadeeyay-inay-socdaan-dhaqan-gelinta-qorshahaas-m","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/madaxweynaha-soomaaliya-xasan-sheekh-maxamuud-ayaa-sheegay-inuu-socdo-qorshe-ku-aadan-sidii-sanadka-2016-dalka-looga-hirgelin-lahaa-doorasho-isagoo-cadeeyay-inay-socdaan-dhaqan-gelinta-qorshahaas-m\/","title":{"rendered":"Culumaa&#8217;udiinka Ahlusuna oo ku baaqay in gargaar la gaarsiiyo goobaha laga saaray Al-Shabaab"},"content":{"rendered":"<p>Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa&#8217;udiika Ahlusuna Wal-jameeca ayaa waxaa baaq loogu diray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey&#8217;adaha sama falka inay gar gaar deg deg ah gaarsiiyaan goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Culumaa&#8217;udiinka Ahlusuna ayaa sheegay in xaalado bani&#8217;aadanimo ay ka jiraan deegaanada, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay go&#8217;doomisay, una diiday sahaydii iyo raashinkii deegaanada laga saaray gaarayay.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaa ugu baaqeynaa dowladda Soomaaliyeed, hey&#8217;adaha sama falka iyo dadka uu alle siiyay hantida ee ganacsatada inay gar gaar deg deg ah gaarsiiyaan meelaha laga saaray Al-Shabaab, waxaa ka jira xaalado bani&#8217;aadanimo iyo biyo la&#8217;aan daran.<\/p>\n<p>Sidoo kale Culumaa&#8217;udiinka Ahlusuna ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay sameeyaan Alle Tuug, ayna isugu soo baxaan salaad roob doon ah, si alle raxmadiisa u haleelsiiyo.<\/p>\n<p>&#8220;In Umada Soomaaliyeed ee muslimka ah is cafiso, Alle bari ay weydiiso, in salaad roob doon loo tukado haleelida raxmad alle, umada soomaaliyeed oo idil in roob ay ku diirsadaan in Alle uu siiyo&#8221;ayaa lagu yiri Bayaanka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn Golaha sare Culumaa&#8217;udiinka Ahlusuna ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in Alle u towbad keenaan, si colaada iyo abaarta uga dulqaado, waxaana ay Alle uga baryeen in nabad iyo barwaaqo Soomaaliya ay hesho.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa&#8217;udiika Ahlusuna Wal-jameeca ayaa waxaa baaq loogu diray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey&#8217;adaha sama falka inay gar gaar deg deg ah gaarsiiyaan goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab. Culumaa&#8217;udiinka Ahlusuna ayaa sheegay in xaalado bani&#8217;aadanimo ay ka jiraan deegaanada, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay go&#8217;doomisay, una diiday sahaydii iyo raashinkii deegaanada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21076","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21076","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21076"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21076\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21079,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21076\/revisions\/21079"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21076"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21076"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21076"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}