{"id":21050,"date":"2014-05-03T08:53:31","date_gmt":"2014-05-03T05:53:31","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21050"},"modified":"2014-05-03T08:53:31","modified_gmt":"2014-05-03T05:53:31","slug":"maamulka-galmudug-oo-ku-baaqay-in-gurmad-deg-deg-ah-loo-fidiyo-dadka-ay-biyo-laaanta-haysato","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/maamulka-galmudug-oo-ku-baaqay-in-gurmad-deg-deg-ah-loo-fidiyo-dadka-ay-biyo-laaanta-haysato\/","title":{"rendered":"Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay biyo la\u2019aanta haysato"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed ayaa hadalkaan ka jeediyay mar uu ka qeybgalay Munaasabad lagu soo dhaweynayay xubnaha Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.<\/p>\n<p>Munaasaddan oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, xubno ka socday Maamulkii hore ee gobolka Benaadir, laguna qabtay Muqdisho ayaa  ujeeddadu ahaa taageero iyo soo dhaweyn loo muujiyay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ee maamulka Galmudug, iyadoo intii ay socotay xafladda lagu soo hadal qaaday sida lagu caawin karo dadka ay biyo la\u2019aanta ku haysato deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee dalka.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay munaasabadda oo goobta hadal ka jeediyay ayaa waxa ay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ugu hambalyeeyay sida uu u soo xulay xubnahaasi, iyagoo wasiirada cusub ee Galmudug ugu baaqay inay ka soo dhalaalaan howlaha loo igmaday.<\/p>\n<p>Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed oo gabo gabadii kulanka hadal ka jeediyay ayaa ka codsaday Dowladda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Galmudug inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ay abaarta ku haysato Gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.<\/p>\n<p>Deegaanno ku yaalla gobollada dhexe ee dalka ayaa laga soo sheegayaa inay ka jiraan xaalado adag oo xagga nolosha ah, iyadoo meelaha qaar ay biyo la\u2019aan ugu geeriyoodeen dad iyo duunyo.halkaasi ku noolaa, lagana cabsi qabo in xaaladdu ay sii adkaato, haddii aysan bulshadaasi helin wax kaalmo ah.<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/abaaro-bahsan-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/abaaro-bahsan-150x150.jpg\" alt=\"abaaro-bahsan-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-full wp-image-21051\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed ayaa hadalkaan ka jeediyay mar uu ka qeybgalay Munaasabad lagu soo dhaweynayay xubnaha Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Munaasaddan oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada, xubno ka socday Maamulkii hore ee gobolka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21050","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21050","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21050"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21050\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21052,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21050\/revisions\/21052"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21050"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21050"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21050"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}