{"id":21003,"date":"2014-05-01T18:55:59","date_gmt":"2014-05-01T15:55:59","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=21003"},"modified":"2014-05-01T18:55:59","modified_gmt":"2014-05-01T15:55:59","slug":"maalinta-shaqaalaha-oo-garoowe-laga-xusay-iyo-madaxweyne-ku-xigeenka-oo-ka-qayb-galay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/maalinta-shaqaalaha-oo-garoowe-laga-xusay-iyo-madaxweyne-ku-xigeenka-oo-ka-qayb-galay\/","title":{"rendered":"Maalinta Shaqaalaha Oo Garoowe Laga Xusay Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qayb-Galay"},"content":{"rendered":"<p>Munaasabad balaaran oo lagu xusayey maalinta shaqaalaha aduunka 1 May, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaa ka qayb-galay xaflada madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo madax kale oo badan.<\/p>\n<p>Bandhigyo kala duwan ayaa lagu soo muujiyey goobta ay ka dhacaysay munaasabada ee Garoowe, waxaana khubado ka jeediyey madaxdii kala duwanayd ee kulanka fadhiyey.<\/p>\n<p>Wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan sheikh Axmed Cabdulle oo ka hadlay munaasabada, waxaa uu hanbalyo u diray shaqaalaha Puntland, sidoo kale wuxuu ka hadlay caqabadaha shaqo ee dalka ka jira.<\/p>\n<p>Wuxuu carabka ku dhuftay shaqo la\u2019aanta dhalinyarada, qorshayaasha u degan wasaaradda ee arrintaas la xiriira, tahriibka iyo arimo kale oo badan. Wasiirka ayaa xusay in shaqooyin badan ay dalka yaalaan balse la waayey cid ka shaqaysa kadibna dibeda laga doonay shaqaale.<\/p>\n<p>Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar oo xaflada soo xiray, waxaa uu balan-qaaday in dowladda Puntland aysan ogolaan doonin in dhalintu tahriibaan oo ay shaqo la\u2019aan noqdaan.<\/p>\n<p>Eng. Cameey ayaa dhalinta ugu baaqay in ay shaqaystaan oo fahmaan muhiimada wadankooda iyo baahida jirta, waxaa uu balan-qaaday inaan la ogolaan doonin in shaqaale ajinebi ah ay ka shaqeeyaan howl ay qaban karaan muwaadiniin shaqo la\u2019aan hayso.<\/p>\n<p>In shaqada la raadiyo oo lala socda marxalada dalka ayaa madaxweyne ku xigeenku sheegay in ay tahay sida keliya ee is bedel horumarineed lagu dareemi karo shaqana lagu heli karo, isagoo arimaha dhalinyarada ka hadlaya ayuu sidaas yiri, wuxuu u hanbalyeeyey shaqaalaha.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda shaqaalaha aduunka ee ILO oo dhowaan heshiis wada shaqayn ah ka heshay dowladda Soomaaliya ayaa haatan mashaariic ka fulinaysa deeganada Puntland, waxaana kulan uu madaxweyne ku xigeenku la qaatay Madaxa ILO ee Soomaaliya lagaga dalbaday ururka in ay fidiyaan mashaariicda ay u hayaan deeganadan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad balaaran oo lagu xusayey maalinta shaqaalaha aduunka 1 May, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaa ka qayb-galay xaflada madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo madax kale oo badan. Bandhigyo kala duwan ayaa lagu soo muujiyey goobta ay ka dhacaysay munaasabada ee Garoowe, waxaana khubado ka jeediyey madaxdii kala duwanayd ee kulanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-21003","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21003","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=21003"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21003\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21006,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/21003\/revisions\/21006"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=21003"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=21003"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=21003"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}