{"id":20983,"date":"2014-05-01T16:27:28","date_gmt":"2014-05-01T13:27:28","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20983"},"modified":"2014-05-01T16:27:28","modified_gmt":"2014-05-01T13:27:28","slug":"raiisul-wasaaraha-soomaaliya-oo-shaqaalaha-soomaaliyeed-hambalyo-udiray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/05\/raiisul-wasaaraha-soomaaliya-oo-shaqaalaha-soomaaliyeed-hambalyo-udiray\/","title":{"rendered":"RA&#8217;IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA OO SHAQAALAHA SOOMAALIYEED HAMBALYO UDIRAY"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha u diraya dhamaan shaqaalaha aduunka gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay maanta in ay farxad u tahay dhamaan shaqaalaha aduunka kadib markii loo asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan,<\/p>\n<p>\u201cWaxaan halkaan hambalyo uga dirayaa dhamaan shaqaalaha dowalda iyo kuwa sida gaarka ah u shaqaysta oo isugu jira Rag iyo Dumar, kuwaas oo badankoodu si hagar la\u2019aan ah u shaqeeya laga bilaabo arroorti ilaa qorrax dhicii, si ay u hor mariyaan Dalkooda\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kale xusay in Shaqaalaha Dowlada iyo kuwa gaarka ah ay qayb ka yihiin kor u qaadida horumarka dalka iyo abuurida fursado dhalinyarada looga soo leexinayo xag jirnimada. Waxaana dowladda ka go\u2019an ilaalinta xuquuda shaqaalaha, waxayna dowaladu fududaynaysaa xiriir fiican oo dhex mara ururada u dooda xuquuqda shaqaalaha<\/p>\n<p>\u201cIlaa iyo intii xukuumadaan cusub la yagleelay waxaa ka go\u2019an in ay ficil ahaan u fuliso sidii ay u abuuri lahayd shaqooyin, loona hormarin lahaa xuquuqda shaqaalaha, taas oo sababi karta soo jiidashada maalgaliyayaal shisheeye, sitaas loo helana waxaan xoojinaynaa nabad galyada oo fure u ah in laga miro dhaliyo horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha\u201d<\/p>\n<p>\u201cQorshaheena shaqo abuurista waa mid cad kaas oo ku salaysan is badalka siyaasadeed oo u dagan xukuumadda, iyo balan qaadkeena soo celinta sharciga iyo kala danbaynta, dib u dhiska dalka iyo dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur buray dagaaladii sokeeye, iyo kor u qaadida wax soo saarka Beeraha, Xoolaha, Kaluumaysiga, iyo dar dar galinta Ganacsiga\u201d<\/p>\n<p>\u201cSi\u2019aan uga gun gaarno ilaalinta xuquuqda shaqaalaha waxaan heshiis la galnay bishii March Hay\u2019ada Caalamiga ah ee Shaqaalaha Aduunka,(ILO) waxaan aaminsanahay inaan horumarino shaqo nadiif ah oo la socoto ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, si looga hortago gaajada islamarkaana ay suurta gal u noqoto in aan dib u soo celino xasiloonida dalka. waxaana diyaar u nahay inaan fulino qodobadii aan ku heshiina (ILO)<\/p>\n<p>\u201cWaxaa siyaasada dowladda ka mid ah in xuquuq ahaan ay siman yihiin shaqaaluhu oo aysan jirin kala sarayn dhanka shaqada ah, marka laga reebo aqoonta iyo xirfada uu qofku leeyahay. Si aan meesha uga saarno carruurta la shaqaalaysiinayo, waxaa xukuumaddu qaadatay siyaasadda looga hortagayo shaqaalaysiinta caruurta,\u201d<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadiisu dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii looga hortagi lahaa in ay sii socdaan weerarada lagu hayo shaqaalaha iyo goobahooda shaqo.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ku dadaalaynaa inaan samayno wada shaqayn dhex marta Ururada Shaqaalaha, Rugta Ganacsiga, iyo Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, anagoo waafajinayna qaanuunka caalimaga ah, si loo muujiyo wada shaqayn lagu ilaalinayo xuquuda shaqaalaha, loogana hortago tacadiyada loo gaysto shaqaalaha\u201d ayuu yiri RW Cabdiwali Dowlada Soomaaliya oo dhanka kalana sheegay in xukuumaddu diyaarinayso jawi ay ku dhiirri galinayso shirkadaha gaarka loo leeyahay, laguna abuurayo shaqooyin ku salaysan kobcinta dhaqaalaha taas oo sahli karta in dadku helaan shaqo joogta ah.<\/p>\n<p>Gabagabadii Ra\u2019iisul Wasaarahaa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta la qaybsado shaqaalaha Caalamaka dabbaal degayada iyo midnimada ay muujinayaan. Wuxuuna sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay inuu ogaado qof walba oo shaqaale Soomaali ah in xasiloonidu ay fure u tahay horumarka shaqada iyo shaqaalaha, si looga miro dhaliyana waa in dhalinyaradu ka waantoobaan ku biirida kooxaha xag jirka ah oo halis ku ah nolosha bani\u2019adamka.<\/p>\n<p>HAMBALYO! HAMBALYO! HAMBALYO!<br \/>\n<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20020.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20020.jpg\" alt=\"20020\" width=\"590\" height=\"672\" class=\"alignleft size-full wp-image-20984\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20020.jpg 590w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/05\/20020-263x300.jpg 263w\" sizes=\"auto, (max-width: 590px) 100vw, 590px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha u diraya dhamaan shaqaalaha aduunka gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay maanta in ay farxad u tahay dhamaan shaqaalaha aduunka kadib markii loo asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20983","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20983","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20983"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20983\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20985,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20983\/revisions\/20985"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20983"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20983"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20983"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}