{"id":20750,"date":"2014-04-23T12:58:35","date_gmt":"2014-04-23T09:58:35","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20750"},"modified":"2014-04-23T13:04:38","modified_gmt":"2014-04-23T10:04:38","slug":"ciidamada-dowladda-iyo-kuwa-amisom-oo-shabaab-kala-wareegay-deegaan-hoostaga-buulo-burde","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/04\/ciidamada-dowladda-iyo-kuwa-amisom-oo-shabaab-kala-wareegay-deegaan-hoostaga-buulo-burde\/","title":{"rendered":"Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Amisom Oo Shabaab Kala Wareegay Deegaan Hoostaga Buulo Burde."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/dag.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/dag.jpeg\" alt=\"dag\" width=\"273\" height=\"184\" class=\"alignleft size-full wp-image-20752\" \/><\/a><br \/>\nCiidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaan hoostaga Degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay la wareegitaanka deegaanka Ceyn oo 36-KM ujirta Degmada Buulo Burde ee Gobalkaasi kuna taala waqooyio Bari ee Buulo Burde.<\/p>\n<p>Sarkaal lagu magacaabo Xuseen Hooroow oo la hadlay Idaacada Barkulan, ayaa sheegay in ciidamada dagaal ay kula wareegeen deegaankaasi, Shabaabkii ku sugnaa goobtana ay ka carareen sida uu yiri.<\/p>\n<p>Xuseen Hooroow, ayaa qeexay in labo kamid ah dagaalamayaasha Shabaab ay ku dileen intii uu dagaalka socday, inkastoo aanu sheegin khasaaro intaasi ka badan iyo dhankooda waxa soo gaaray.<\/p>\n<p>Deegaanka Ceyn oo 36-KM ujirta Degmada Buulo burde ayuu ku sheegay inay aheyd xaruntii Al-Shabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan ee ay kusoo qaadaan Magaalada Buulo Burde.<\/p>\n<p>Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaq-dhaqaaq ciidan ka wada Gobalka Hiiraan, kaasi oo ujeedkiisa uu yahay sidii ciidamada ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Degmada Jalalaqsi oo ah Degmada Kaliya ay Shabaab ka joogaan Gobalka Hiiraan.<\/p>\n<p>Al-Shabaab weli kama aysan hadlin deegaankaan maanta ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay la wareegeen.<br \/>\nNagala Soo <\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaan hoostaga Degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay la wareegitaanka deegaanka Ceyn oo 36-KM ujirta Degmada Buulo Burde ee Gobalkaasi kuna taala waqooyio Bari ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20750","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20750","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20750"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20750\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20753,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20750\/revisions\/20753"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20750"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20750"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20750"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}