{"id":20736,"date":"2014-04-22T20:38:08","date_gmt":"2014-04-22T17:38:08","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20736"},"modified":"2014-04-22T20:38:09","modified_gmt":"2014-04-22T17:38:09","slug":"raiisul-wasaare-cabdiweli-falalka-aragaxisonimo-nagama-hor-istaagayaan-xasilinta-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/04\/raiisul-wasaare-cabdiweli-falalka-aragaxisonimo-nagama-hor-istaagayaan-xasilinta-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Cabdiweli: \u201c Falalka aragaxisonimo nagama hor istaagayaan xasilinta Soomaaliya\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho, April 22, 2014 \u2014\u2013 Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey weerar argagaxisonimo oo maanta lagu dilay Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal oo kooxo hubaysan ay toogteen isagoo ka soo baxayey gurigiisa oo ku yaallay xaafadda Madiina ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>\u201cInnaa Lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, waxaan ka tacsiyeynayaa dilka maanta loo geystay xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal oo gacan ka xaqdaran ku dishay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, ehelkii iyo ummaddii uu ka tegay xildhibaanku, waxaan Illaah uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo<\/p>\n<p>\u201cFalalka aragaxisnimo nagama hor istaagayaan xasilinta Soomaaliya iyo halganka aan ku soo celinayno dowladnimada Soomaaliya. Dilalkan qorsheysan ma cabsi gelinayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda<\/p>\n<p>\u201cDowladdu waxa ay qaadaysaa tallaaba kasta oo ay ku sugeyso ammaanka dalka iyo muwaadiniinta. Kuwii ka dambeeyey falalkan gurracan kama baxsan doonaan caddaaladda, waana la helayaa haddii alle idmo.\u201d<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku amray hay\u2019adaha ammaanka iyo maamulada degmooyinka gobolka Banaadir in ay xoojiyaan ammaanka, isla-markaasina ay baadi-goobaan dhagar-qabayaashii ka dameeyey dilalkii ugu dameeyey.<\/p>\n<p>\u2014DHAMAAD\u2014<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, April 22, 2014 \u2014\u2013 Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey weerar argagaxisonimo oo maanta lagu dilay Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal oo kooxo hubaysan ay toogteen isagoo ka soo baxayey gurigiisa oo ku yaallay xaafadda Madiina ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. \u201cInnaa Lilaahi wa innaa ileyhi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20736","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20736","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20736"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20736\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20739,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20736\/revisions\/20739"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20736"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20736"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20736"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}