{"id":20676,"date":"2014-04-20T16:06:47","date_gmt":"2014-04-20T13:06:47","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20676"},"modified":"2014-04-20T16:10:56","modified_gmt":"2014-04-20T13:10:56","slug":"munaasabad-xilka-uu-kula-wareegay-gudoomiyaha-cusub-ee-balcad-oo-maanta-ka-dhacday-degmadaasi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/04\/munaasabad-xilka-uu-kula-wareegay-gudoomiyaha-cusub-ee-balcad-oo-maanta-ka-dhacday-degmadaasi\/","title":{"rendered":"Munaasabad Xilka Uu Kula Wareegay Gudoomiyaha Cusub Ee Balcad Oo Maanta Ka Dhacday DegmadaasI"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/BALCAD.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/BALCAD.jpg\" alt=\"BALCAD\" width=\"252\" height=\"200\" class=\"alignleft size-full wp-image-20678\" \/><\/a><br \/>\nMunaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee degmada Balcad ayaa maanta ka dhacday degmadaas, iyadoo munaasabada oo uu ka maqnaa Gudoomiyihii hore ee degmadaas Cusmaan Xaadoole ay ka soo qeyb galeen Mas&#8217;uuliyiin ka socday dowladda oo isugu jiray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow.<\/p>\n<p>Munaasabadan ayaa ka dhacday Saldhiga Booliska degmada, halkaasoo uu ka soo muuqday Gudoomiyaha cusub ee degmada Balcad ee dhowaan ay soo magacawday Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha cusub ee degmada Balcad Maxamed Maxamuud Maxamed (Saney Taakey) ayaa sheegay inuu xooga saarayo maamulkiisa sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa, isla markaana loo hormarin lahaa bulshada ku dhaqan degmada, gaar ahaan dhinaca waxbarashada iyo adeega guud bulshada.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa ka hadlay Munaasabada Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Xalane oo sheegay in Maamulo loo dhisayo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka, isagoo xusay in maamulada ay noqon doonaan kuwo KMG ah, si loogu gudbo maamulo dadku ay soo doortaan.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow oo muddo bilooyin aanu cagtiisa soo dhigin degmada Balcad kadib khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo Gudoomiyihii hore Cusmaan Xaadoole ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabada ku soo dhoweeyay magacaabista Gudoomiyaha cusub, isla markaana balan qaaday in xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn ay dhex mari doonto isaga iyo Gudoomiyaha cusub.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka soo jeeda deegaanka, waxaana ay shacabka ka codsadeen inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub.<\/p>\n<p>Degmada Balcad ayaa waxaa labadii maalmood ee u dambeeyay ka jiray xiisado iyo shaqaaqooyin u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Ilaalada Gudoomiyihii hore ee degmada Balcad, kaasoo shalay dagaal ka dhacay degmada kadib si xoog looga saaray.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee degmada Balcad ayaa maanta ka dhacday degmadaas, iyadoo munaasabada oo uu ka maqnaa Gudoomiyihii hore ee degmadaas Cusmaan Xaadoole ay ka soo qeyb galeen Mas&#8217;uuliyiin ka socday dowladda oo isugu jiray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow. Munaasabadan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20676","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20676","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20676"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20676\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20679,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20676\/revisions\/20679"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20676"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20676"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20676"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}