{"id":20659,"date":"2014-04-19T17:39:07","date_gmt":"2014-04-19T14:39:07","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20659"},"modified":"2014-04-19T17:42:20","modified_gmt":"2014-04-19T14:42:20","slug":"20659","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/04\/20659\/","title":{"rendered":"Ciidamada Dowladda Oo Dagaal Kula Wareegay Degmada Balcad Iyo Axmed Duqow Oo Gacanta Lagu Dhigay"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/balcad1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/balcad1.jpg\" alt=\"balcad1\" width=\"407\" height=\"267\" class=\"alignleft size-full wp-image-20662\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/balcad1.jpg 407w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/balcad1-300x196.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 407px) 100vw, 407px\" \/><\/a><br \/>\nCiidamada Militariga iyo Nabad Suggida ee Dowladda Soomaaliya, ayaa galabta xoog kula wareegay gacan ku haynta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p>Ciidamada, ayaa dagaal Degmada Balcad kula galay Ciidamada Gudoomiyaha Degmada Balcad Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), wuxuuna dagaalka xoogiisu ku dhex maray Xaafada Waaberi.<\/p>\n<p>Labada Ciidan, ayaa loo diray in ay nolosha ku soo qabtaan Cismaan Xaadoole, oo loo heysto in uu ka dambeeyay Ciidamadii Booliska ee Degmada Jowhar ku sii jeeday, ee Jimcihii lagu rasaaseeyay Buundada Balcad.<\/p>\n<p>Cismaan Xaadoole iyo Ciidan uu horkacaayay, ayaa la soo sheegayaa in ay isaga baxeen Degmada Balcad, isla-markaana ay gaareen Deegaanka Xawaadley oo ka tirsan Degmadaasi.<\/p>\n<p>Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa&#8217;uud Xaaji Ciiro, ayaa sheegay in qorshaha maanta loo weeraray Degmada Balcad ay tahay, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Xaadoole, Maxkamadna loo soo taago.<\/p>\n<p>Laakiin Ciidamada Dowladda, ayaa ku guuleystay in ay nolosha ku soo qabtaan Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Arrimaha Bulshada ee Degmada Balcad Axmed Maxamed Duqow.<\/p>\n<p>Ciiro oo la hadlaayay Warbaahinta ayaa xilligaan sheegay xaalada Degmada Balcad in ay degan tahay, isla-markaana ay si buuxdo gacanta ugu hayaan Ciidamada Militariga iyo Nabad Suggida.<\/p>\n<p>Faah faahin badan lagama haayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka culus, ee maalintii labaad ka dhacay Degmada Balcad, oo 30km u jirta Magaalada Muqdisho.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada Militariga iyo Nabad Suggida ee Dowladda Soomaaliya, ayaa galabta xoog kula wareegay gacan ku haynta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada, ayaa dagaal Degmada Balcad kula galay Ciidamada Gudoomiyaha Degmada Balcad Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), wuxuuna dagaalka xoogiisu ku dhex maray Xaafada Waaberi. Labada Ciidan, ayaa loo diray in ay nolosha ku soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20659","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20659","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20659"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20659\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20663,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20659\/revisions\/20663"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20659"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20659"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20659"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}