{"id":20611,"date":"2014-04-18T19:55:50","date_gmt":"2014-04-18T16:55:50","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20611"},"modified":"2014-04-18T19:55:50","modified_gmt":"2014-04-18T16:55:50","slug":"isbaarooyin-xannibay-dhaq-dhaqaaqii-gaadiidka-degmooyin-ka-tirsan-shabeelaha-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/04\/isbaarooyin-xannibay-dhaq-dhaqaaqii-gaadiidka-degmooyin-ka-tirsan-shabeelaha-hoose\/","title":{"rendered":"Isbaarooyin Xannibay Dhaq dhaqaaqii Gaadiidka degmooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose"},"content":{"rendered":"<p>Waxaa maanta hakad ku jiray dhaq dhaqaaqii Gaadiidkii ka howl gali jiray Inta u dhexeysa Degmada Afgooye iyo Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii Isbaarooyin hor leh halkaasi la soo dhigay.<\/p>\n<p>Ku dhawaad 8 Jidgooyo ayaa lagu soo warramayaa in wadada xiriirisa Degmada Afgooye iyo Degmada Wanlaweyn la soo dhigay.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah Darawalada ka howl gala gaadiidkii ka shaqeyn jiray Afgooye illaa Wanlaweyn oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in ay maanta shaqadoodii u baajiyeen Isbaarooyinka xad dhaafka ah ee wadada la soo dhoobay.<\/p>\n<p>Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose  gaar ahaan Guddoomiyaha  Maamulkaasi C\/qaadir Max\u2019ed Nuur Siidii ayaa dhawaan shaaciyay in ay qaadeen Jid gooyooyin fara badan balse ilo ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in Kooxaha Isbaarooyinka soo dhigta jadadka ay isticmaalaan taak tiik u gaar ah kaas oo ah in marka ay ku soo fool leeyihiin Ciidanka Dowladda ee jid gooyooyinka la dagaalama ay  ka beerayaan wadada marka Ciidamadaasi ay gudbanna ay halkoodii soo dhiganayaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa maanta hakad ku jiray dhaq dhaqaaqii Gaadiidkii ka howl gali jiray Inta u dhexeysa Degmada Afgooye iyo Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii Isbaarooyin hor leh halkaasi la soo dhigay. Ku dhawaad 8 Jidgooyo ayaa lagu soo warramayaa in wadada xiriirisa Degmada Afgooye iyo Degmada Wanlaweyn la soo dhigay. Qaar ka mid ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20611","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20611","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20611"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20611\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20613,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20611\/revisions\/20613"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20611"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20611"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20611"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}