{"id":20594,"date":"2014-04-17T17:50:32","date_gmt":"2014-04-17T14:50:32","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20594"},"modified":"2014-04-17T17:54:55","modified_gmt":"2014-04-17T14:54:55","slug":"golaha-wasiirada-oo-maanta-magacaabay-guddi-wasiiro-oo-ka-soo-waramo-sida-ay-u-wada-shaqeeyaan-xukuumada-hayadaha-caalamiga-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/04\/golaha-wasiirada-oo-maanta-magacaabay-guddi-wasiiro-oo-ka-soo-waramo-sida-ay-u-wada-shaqeeyaan-xukuumada-hayadaha-caalamiga-ah\/","title":{"rendered":"Golaha Wasiirada oo maanta magacaabay Guddi Wasiiro Oo Ka Soo Waramo Sida Ay U Wada Shaqeeyaan Xukuumada &#038; Hay\u2019adaha Caalamiga Ah"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/waziiro.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/waziiro.jpeg\" alt=\"waziiro\" width=\"318\" height=\"159\" class=\"alignleft size-full wp-image-20597\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/waziiro.jpeg 318w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/waziiro-300x150.jpeg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 318px) 100vw, 318px\" \/><\/a><br \/>\nGolaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayey Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Maxamed Xirsi.<\/p>\n<p>Kulankaan, ayaa looga hadlay arrimaha amniga dalka, wada shaqaynta xukuumadda iyo Hay\u2019adaha caalamiga ah, iyo safarka RW ku tagay magaalada Kismaayo.<\/p>\n<p>Markii uu soo idlaaday kulanka golaha Wasiiradda waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo sheegay in golluhu hoosta ka xarriiqeen talaabooyinka ay Ciidmada dowladda iyo kuwa AMISOM ay qaadeen ee dhanka amniga uu ahaa mid soo hooyey guulo.<\/p>\n<p>\u201cCiidamada Qaranka iyo kuwo AMISOM ayaa howlgalo is daba joog ah ka waday caasimada Muqdisho si wax looga qabto kooxa u taagan khal khal galinta amniga caasimada, iyagoona ka soo hooyey guulo waaweyn. Sidoo kale Sagaalkii degmo oo ay ciidamadu ka saareen kooxda nabad diidka ah ayaa noloshu caadi ku soo noqotay lana xoojiyey amnigooda\u201d ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadu oo dhanka kalana xusay in maamul u samaynta gobolada ay muhiimad gaar ah siinayso xukuumadu ayna socoto dood ku saabsan sida ugu haboon oo loo samayn lahaa maamulo ay dadku soo doortaan.<\/p>\n<p>Dhanka kale Gollaha ayaa hoosta ka xariiqay in wada shaqayn joogta ah ay yeeshaan dowladda iyo Hay\u2019adaha Caalamiga si loo xoojiyo wax qabadka laamaha dowladda, dhabahana loogu xaaro sidii loo midayn lahaa arrimaha dib u dhiska dalka iyo gaarsiinta gar-gaarka bani\u2019adimada, gollaha ayaa magacaabay gudi Wasiiro oo kala ah Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, iyo Cadaaladda, si ay u soo diyaariyaan qaabkii ay wada shaqayn u yeelan lahaayeen Hay\u2019adaha Calamiga ah iyo Dowlad Soomaaliya, si siyaasad midaysan loogu dajiyo horumarka dalka.<\/p>\n<p>Ugu dambeen Golaha Wasiirada, ayaa ku baaqay in la tayeeyo ciidanka qaranka si goboha ku haray gacanta nabad diidka looga sifeeyn lahaa loona gaarsiin lahaa dadka adeegyada ay u baahan yihiin, sidoo kale Gollaha ayaa ku tilmaamay booqashada Ra\u2019iisul Wasaaruhu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed uu ku joogo magaalada Kismaayo mid muhiimad u leh dib u heshiisiinta dadka deegaanka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayey Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Maxamed Xirsi. Kulankaan, ayaa looga hadlay arrimaha amniga dalka, wada shaqaynta xukuumadda iyo Hay\u2019adaha caalamiga ah, iyo safarka RW ku tagay magaalada Kismaayo. Markii uu soo idlaaday kulanka golaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20594","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20594","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20594"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20594\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20598,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20594\/revisions\/20598"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20594"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20594"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20594"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}