{"id":20525,"date":"2014-04-14T20:05:38","date_gmt":"2014-04-14T17:05:38","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20525"},"modified":"2014-04-14T20:05:38","modified_gmt":"2014-04-14T17:05:38","slug":"madaxweyne-xasan-burundi-waa-wallaalo-noo-huray-dhiigooda-si-somalia-nabad-u-noqoto-sawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/04\/madaxweyne-xasan-burundi-waa-wallaalo-noo-huray-dhiigooda-si-somalia-nabad-u-noqoto-sawirro\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan \u201cBurundi waa wallaalo noo huray dhiigooda si Somalia nabad u noqoto.\u201d+Sawirro"},"content":{"rendered":"<p> Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay H.E. Joseph Nkurunziza,Safiirka cusub ee Burundi isla markaana yiri \u201cBurundi waa wallaalo noo huray dhiigooda si Somalia nabad u noqoto.\u201d<\/p>\n<p>H.E. Joseph Nkurunziza, Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. \u201d Dowladda Burundi wey ka go\u2019antahay inay taageerto dadaalka nabadeyna Somalia. Shacabka Burundi waxey fahamsanyihiin muhiimadda ah in wallaal loo gurmado marka uu gurmad u baahanyahay, waana sababta ay ciidamadeenu u joogaan Somalia si ay nabada u soo celiyaan. Somalia waxey istaahishaa taageero oo aan beesha caalamka ugu baaqeynaa inay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan Somalia oo Dowladda lagu garab gala dib u dhiska hay\u2019adaheeda si ay nabadda u soo celiyaan. Burundi wey sii labo jibaareysaa taageeradeeda ku wajahan Somalia.\u201d Ayuu yiri Safiirku<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa yiri \u201cAad iyo aad baan ugu faraxsanahay taageerada Burunde ee dhanka amniga. Ciidanka Burundi waxey safka hore uga jiraan howlgalada kooxaha nabad-diidka dalka looga sifeynayo, iyagoo qeyb ka ah AMISOM. Ciidankeennu iyagoo kaashanaya AMISOM waxey maalin walba guulo ka gaarayaan oo ay kooxaha argagaxisada ka saarayaan goobo cusub si Al-Shabaab looga saaro dalka oo dhan, bacdamaa ay khatar ku yihiin Somalia, iyo caalamka oo dhan. Burundi waxaan kala shaqeyn doonaa sidii aan xiriirka labada dal u sii xoojin laheyn.\u201d<\/p>\n<p>\u201cBurundi waa wallaalo jira oo aan marnaba la illaawi karo sida ay dhiigooda noogu hureen si Somalia ay nabad u noqoto. Sidoo kale waxaan idinkaga mahadcelineynaa tababarka ciidanka Soomaaliyeed oo maanta noqonaya ciidan tayeysan oo aan u diyaarineyno inay amniga dalka oo dhan la wareegaan mustaqbalka dhow.\u201d<\/p>\n<p>Safiirka Burundi ayaa fariin uu ka siday H.E. Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Burundi soo gaarsiiyey Madaxeynaha Somalia oo uu ku ballanqaadayo sida ay uga go\u2019antahay Burundi inay taageeraan Somalia. Safiirka ayaa ugu danbeyntii shir-jaraa\u2019id la qabtay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/1.jpg\" alt=\"1\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-full wp-image-20526\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay H.E. Joseph Nkurunziza,Safiirka cusub ee Burundi isla markaana yiri \u201cBurundi waa wallaalo noo huray dhiigooda si Somalia nabad u noqoto.\u201d H.E. Joseph Nkurunziza, Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. \u201d Dowladda Burundi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20525","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20525","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20525"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20525\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20527,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20525\/revisions\/20527"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20525"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20525"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20525"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}