{"id":20497,"date":"2014-04-10T19:34:20","date_gmt":"2014-04-10T16:34:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20497"},"modified":"2014-04-10T19:38:30","modified_gmt":"2014-04-10T16:38:30","slug":"madaxweyn-xasan-sheikh-oo-galabnimadii-maanta-ku-soo-laabtay-magaalada-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/04\/madaxweyn-xasan-sheikh-oo-galabnimadii-maanta-ku-soo-laabtay-magaalada-muqdisho\/","title":{"rendered":"Madaxweyn Xasan Sheikh Oo Galabnimadii Maanta Ku Soo Laabtay Magaalada Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay galabta dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa socdaal ku soo kala bixiyay Wadamada Bilgium, Kenya, Rwanda iyo Burundi, iyadoo Magaalada Brussels ay kaga qaybgaleen shirkii Madaxda Afrika iyo Midowga Yurub.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Taliyaha Ciidamada Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), Agaasimaha Hay&#8217;adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo xubno kale oo ka tirsan Hay&#8217;adaha Dowladda, ayaa Madaxweynaha iyo wefdigiisuba si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.<\/p>\n<p>Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa muddo daqiiqado ah ku nasanaayay howlka martida ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Dr. C\/raxmaan Ducaale Beyleh, oo ka mid ahaa wefdigii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu Warbaahinta kaga waramay socdaalkii ay ku soo kala bixiyeen Bujumbura, Kigali, Nairobi iyo Brussels.<\/p>\n<p>Ugu dambeen Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo lagu qaaday gaadiidka qufulan ee Amisom.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay galabta dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa socdaal ku soo kala bixiyay Wadamada Bilgium, Kenya, Rwanda iyo Burundi, iyadoo Magaalada Brussels ay kaga qaybgaleen shirkii Madaxda Afrika iyo Midowga Yurub. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya Prof. Maxamed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20497","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20497","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20497"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20497\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20499,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20497\/revisions\/20499"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20497"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20497"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20497"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}