{"id":20477,"date":"2014-04-10T17:09:26","date_gmt":"2014-04-10T14:09:26","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20477"},"modified":"2014-04-10T17:09:26","modified_gmt":"2014-04-10T14:09:26","slug":"raiisul-wasaare-cabdi-weli-oo-sheegay-in-muqdisho-laga-sifeeyay-walxaha-qarxa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/04\/raiisul-wasaare-cabdi-weli-oo-sheegay-in-muqdisho-laga-sifeeyay-walxaha-qarxa\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Cabdi Weli oo sheegay in Muqdisho laga sifeeyay Walxaha qarxa"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan lagu shaacinayey guul laga gaaray waxyaalaha qarxa oo laga sifeeyey magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa Ra\u2019iisul Wasaaraha ku weheliyey saraakiil ka socotay Midowga Yurub, hay\u2019adda Qaramada Midoobey ugu qaabilsan la dagaalanka miinada ee UNMAS iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Cabdiwali ayaa ku dhawaaqay warka ah in magaalada Muqdisho laga sifeeyey waxyaalaha qarxa . Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra\u2019iisul Wasaare Cabdiwali ayaa gacan ka geysatay sidii loogu guuleysan lahaa hawshan caasimadda lagaga sifaynayey waxyaalaha qarxa.<\/p>\n<p>\u201cMa dooneyno in dadkayagu ay ku sii jiraan nolol cabsi iyo deganaansho la\u2019aan ah. Carruurta Soomaaliyeed waa in ay helaan mustaqbal aanay ku jirin cabsi iyo argagax. Waxa ugu muhiimsan waa in carruurteennu helaan nolol wanaagsan. Sidaasi ayuu yiri Re\u2019iisul Wasaare Cabdiwali.<\/p>\n<p>\u201cMaanta waxaa war lagu farxo ah in aan ku dhawaaqno in Muqdisho laga sifeeyey waxyaalaha qarxa.Masuuliyad ayaa naga saaran in aan dalka ka ciribtirno waxyaalaha qarxa ee khatarta ku ah nolosha muwaadiniinteenna. Waxaan u mahadnaqayaa dhinacyada naga taageeray fulinta hawshan muhiimka ah\u201d sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra\u2019iisul Wasaaruhu.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Cabdiwali waxa uu sheegay in hawlaha dalka lagaga sifaynayo waxyaalaha qarxa aanay ku koobnayn caasimadda ee waddanka oo dhan laga samaynayo si loo helo qaran aanay muwaadiniintiisu ka cabsi qabin in dhibaato ka soo gaadho waxyaalaha qarxa.<\/p>\n<p>Mudane Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa tilmaamay in waddanku uu ku soo jiray tobanaan sano oo nolol lagu waayey sabab ka dhalatay waxyaalaha qarxa, iyadoo magaalada Muqdishona ay ka mid ahayd meelaha ugu daran maadaaama ay ka dhacayeen dagaaladii ugu badnaa.<\/p>\n<p>Ka sifaynta waxyaalaha qarxa ee magaalada Muqdisho ayaa u taagan libin muhiim ah, waxana ay muujinaysaa sida Soomaaliya ugu socoto dariiqa is-bedelka iyo horumarka.<\/p>\n<p>\u2014-Dhammaad\u2014<\/p>\n<p>Abdirashid Muse Said<br \/>\nPress Officer for the OPM<br \/>\nMogadishu-Somalia<br \/>\nEmail:media@opm.gov.so<br \/>\nTell:+252616318823<br \/>\nTwitter:@SomaliPm, @AbdirashidMuse<br \/>\n<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/Raisal-wasaare-Cabdiweli-Sh.-Axmed1-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2014\/04\/Raisal-wasaare-Cabdiweli-Sh.-Axmed1-150x150.jpg\" alt=\"Raisal-wasaare-Cabdiweli-Sh.-Axmed1-150x150\" width=\"150\" height=\"150\" class=\"alignleft size-full wp-image-20479\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan lagu shaacinayey guul laga gaaray waxyaalaha qarxa oo laga sifeeyey magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa Ra\u2019iisul Wasaaraha ku weheliyey saraakiil ka socotay Midowga Yurub, hay\u2019adda Qaramada Midoobey ugu qaabilsan la dagaalanka miinada ee UNMAS iyo masuuliyiin ka tirsan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20477","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20477","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20477"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20477\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20480,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20477\/revisions\/20480"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20477"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20477"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20477"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}