{"id":20394,"date":"2014-02-27T22:50:47","date_gmt":"2014-02-27T19:50:47","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20394"},"modified":"2014-02-27T22:54:44","modified_gmt":"2014-02-27T19:54:44","slug":"faahfaahinta-weerarkii-maanta-ka-dhacday-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/02\/faahfaahinta-weerarkii-maanta-ka-dhacday-muqdisho\/","title":{"rendered":"Faahfaahinta Weerarkii Maanta ka Dhacday Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 10-qof oo shacab iyo askar isugu jira ayaa ku dhintay in ka badan 15-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray weerar Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka Baar Fiat ee magaalada Muqdisho.<br \/>\nQaraxan oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa dadkii ku dhintay waxaa ku jiray sarkaal sare oo ka tirsanaa Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed iyo laba haween ah oo lahaa baarka qaraxa lala beegsaday.<br \/>\nGoobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen 12-qof oo mayd ah iyo dhaawaca dad ka badan 10-qof oo ay ku jireen haween, rag goobta ku sugnaa iyo askar.<br \/>\n\u201cAnigu waxaan ka cabayay baarka Koobashiin waxaana arkay gaari geed kasoo horjeeda baarka ku dhacay dabadeedna qarxay, dadkii maqaayadda ku jiray oo tiradoodu ahayd 20-qof ayaan u qaybsamay kuwo dhintay iyo kuwo dhaawacmay,\u201d ayuu yiri goobjooge saxaafadda la hadlay.<br \/>\nSidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay inaysan isaguna waxba gaarin, balse dadkii  goobta ku sugnaa ay gabi ahaantood noqdeen kuwo dhintay iyo kuwo dhaawacmay, markaas kaddibna ay yimaadeen ciidammo badan iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah.<\/p>\n<p>Gaadiidka badan oo kuwa gurmadka ah ayaa ka qaaday goobta dhaawaacyo iyo dhimasho fara badan oo isugu jiray rayid iyo askar, waxaana ka mid ahaa askari ka tirsan hay\u2019adda nabad-sugidda.<\/p>\n<p>Baabuurka qaraxa sameeyay ayaa ahaa kuwa yaryar ee raaxada, waxayna u sheegeen warbaahinta qaar ka mid ah goobjoogayaasha inuu eryayay gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha degmada C\/casiis, C\/llaahi Xasan Xuseen oo isaguna goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xooggan uu dhacay ayna weli socdaan baaritaanno ku saabsan dadkii wax ku noqday.<\/p>\n<p>Maqaayadda uu qaraxa ka dhacay ayaa ka horjeeda baarkii FIAT ee Muqdisho; waxaana goobta yaallay maydadka shan qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen rayid maqaayadda wax ka cunayay iyo askari ciidamada nabad-sugidda ka tirsanaa.<\/p>\n<p>Haweeney goobjoogayaasha ka mid ahayd oo qaylinaysay ayaa sheegtay in kuwii geystay weerarka ay yihiin cadow dadka Soomaaliyeed baabi\u2019inaya ay ka faa\u2019iideysteen awood yarida hay\u2019adaha ammaanka dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Al-shabaab ayaa sheegatay mas&#8217;uuliyadda weerarkan oo noqonaya kii labaad oo ka dhaca Muqdisho toddobaadkan, iyadoo la xusuusto in Jimcihii la soo dhaafay ay xoogag ka tirsan Al-shabaab weerareen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 10-qof oo shacab iyo askar isugu jira ayaa ku dhintay in ka badan 15-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray weerar Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka Baar Fiat ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa dadkii ku dhintay waxaa ku jiray sarkaal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20394","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20394","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20394"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20394\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20397,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20394\/revisions\/20397"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20394"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20394"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20394"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}