{"id":20389,"date":"2014-02-27T22:43:45","date_gmt":"2014-02-27T19:43:45","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20389"},"modified":"2014-02-27T22:43:45","modified_gmt":"2014-02-27T19:43:45","slug":"madaxweynaha-oo-guddoomiye-cusub-u-magacaabay-gobolka-banaadir","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/02\/madaxweynaha-oo-guddoomiye-cusub-u-magacaabay-gobolka-banaadir\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Banaadir"},"content":{"rendered":"<p>Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud maanta oo Khamiis ah ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabiddan ay ku timid kaddib markii uu dhageystay talooyinka ra\u2019iisul wasaaraha Somalia, C\/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wasiirka arrimaha gudaha &#038; federaalka, C\/llaahi Goodax Barre.<\/p>\n<p>\u201cMarkii uu ogaaday inay jirto baahida loo qabo in guddoomiye cusub loo magacaabo gobolka Banaadir. Kaddib markii uu tixgeliyay soo jeedinta iyo waayo-aragnimada uu Jen. Muun-gaab u leeyahay maamulka, garsoorka iyo nabad-galyada ayuu xilkan magacaabay,\u201d ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyanha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa  Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).<\/p>\n<p>\u201cWaxaa xilkii guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho laga qaaday, guddoomiyihii hore Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan),\u201d ayaa sidoo kale wareegtada lagu sheegay.<\/p>\n<p>Dhanka kale, wareegtada ayaa lagu faray in hay\u2019adaha ciidanka booliiska, qaybta gobolka Banaadir iyo hay\u2019adda nabad-sugidda qaybteeda gobolka Banaadir inay si toos ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee gobolka loo magacaabay.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, waxaa lagu sheegay wareegtada in xeerkan uu dhaqan-galiyo marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya si rasmi ahna loogu faafiyo warbaahinta dalka.<\/p>\n<p>Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa xilkan hayay sannadihii lasoo dhaafay, waxaana uu horay u diiday inuu qabto xil wasiir ku xigeen ah oo loo magacaabay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud maanta oo Khamiis ah ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabiddan ay ku timid kaddib markii uu dhageystay talooyinka ra\u2019iisul wasaaraha Somalia, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20389","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20389","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20389"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20389\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20391,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20389\/revisions\/20391"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20389"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20389"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20389"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}