{"id":20384,"date":"2014-02-16T23:00:13","date_gmt":"2014-02-16T20:00:13","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=20384"},"modified":"2014-02-16T23:00:13","modified_gmt":"2014-02-16T20:00:13","slug":"guddomiye-gobolka-banadir-oo-sheegay-inay-lacag-siin-doonaan-qofkii-al-shabab-xog-ka-keenno","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2014\/02\/guddomiye-gobolka-banadir-oo-sheegay-inay-lacag-siin-doonaan-qofkii-al-shabab-xog-ka-keenno\/","title":{"rendered":"Guddomiye Gobolka Banadir oo Sheegay inay Lacag Siin Doonaan Qofkii Al Shabab Xog ka keenno."},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu lacago guddoonsiinayo ruuxii soo sheega meel hubka ay dhigataan xoogagga Al-shabaab ee Muqdisho ku sugan inay siinayaan lacag abaalmarin ah.<br \/>\nTarsan ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay degmada Wadajir, isagoo shacabka Muqdihso ugu baaqay inay ka qayb-qaataan sugidda amniga guud ee magaalada Muqdisho.<br \/>\n\u201cMaamulka gobolka Banaadir wuxuu ballan-qaadayaa in la siin doono ruuxii soo sheega meel ay gabbaad ka dhigtaan xubnaha Al-shabaab ama hubka ay ku qarsadaan,\u201d ayuu yiri Tarsan, isagoo sheegay in 20,000 oo doollarka Mareykanka ah ay u qoondeeyeen dadka xogaha Al-shabaab ku saabsan soo sheega.<br \/>\nGuddoomiyaha gobolka Banaadir oo sii hadlaya ayaa sheegay in qof walba ay siin doonaan qadar lacageed oo la mid ah xogta uu keenaan, isagoo sidoo kale sheegay ruuxa soo gudbinaya xogta laga rabo caddeymo buuxa.<br \/>\n\u201cAl-shabaab iyo kuwa nabadgalyo-darrada kawada Muqdisho waa isugu keen mid, mana jirto cid noo roon, waayo ammaanka ayay qalqal-geliyeen,\u201d ayuu yiri duqa Muqdisho.<br \/>\nSidoo kale, duqa Muqdisho ayaa intaas ku daray in dadka ku nool Muqdisho ay maamulka iyo hay\u2019adaha ammaanka gacan ka siiyaan sugidda amniga, isla markaana ruuxii ka tirsan Al-shabaab ee la qabto lagu toogto goobtii lagu qabtay.<br \/>\n\u201cQof walba oo shacabka cabsi geliya ama baaruud ha qarxiyo ama madfac ha tuuree waa isugu keen mid, mana jirto cid sheegi karta waxay noogu kala duwan yihiin, qof walba oo cabsi-gelinaya shacabka waa cadowgeena waana la dagaalamaynaa,\u201d ayuu hadalkiisa ku daray.<br \/>\nDhanka kale, wuxuu sheegay in xubnaha Al-shabaab laga qabto in lacago ay bixiyaan kaddibna laga sii daayo xabsiyada, taatoo qayb weyn ku leh buu yiri nabadgalyo-darrada ka taagan Muqdisho.<br \/>\nUgu dmbeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu sheegay in maamulka uu siin doono gabadhii, wiilkii, odaygii, sheekhii ama waayeelkii soo sheega hub ay Al-shabaab leedahay in la siin doono kala bar lacagta uu hubkaas ku fadhiyo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu lacago guddoonsiinayo ruuxii soo sheega meel hubka ay dhigataan xoogagga Al-shabaab ee Muqdisho ku sugan inay siinayaan lacag abaalmarin ah. Tarsan ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay degmada Wadajir, isagoo shacabka Muqdihso ugu baaqay inay ka qayb-qaataan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-20384","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20384","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=20384"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20384\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":20385,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/20384\/revisions\/20385"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=20384"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=20384"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=20384"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}