{"id":17255,"date":"2013-09-03T23:14:06","date_gmt":"2013-09-03T20:14:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=17255"},"modified":"2013-09-05T03:22:13","modified_gmt":"2013-09-05T00:22:13","slug":"al-amriiki-oo-sheegay-inuu-ka-baxay-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/09\/al-amriiki-oo-sheegay-inuu-ka-baxay-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Al-Amriiki oo sheegay inuu ka baxay Al-Shabaab."},"content":{"rendered":"<p>Omar Hammami oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab ayaa sheegay in uusan ka mid ahayn ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda, inkastoo uu weli isku heysto in uu yahay nin argagixiso ah.<br \/>\nLaanta af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegtay in ay wareysi la yeelatay Cumar Hammami oo ku dhuumaaleysanaya keymo ku yaalla gobolladada Baay iyo Bakool.<br \/>\nOmar Hammami oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa sheegay in uu xiriirkii u jaray hoggaamiyaha Al-Shabaab, Mukhtaar Abu Subeyr, oo uu sheegay inuu naftiisa kala baqayo.<br \/>\nHammami, oo ka soo jeeda gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa dalka Soomaaliya tagay sanadkii 2006, markaas oo uu ku biiray maleeshiyada Al-Shabaab.<br \/>\nDowladda Maraykanka ayaa horay u dul dhigtay 5 milyan oo doollar qofkii soo sheega xog horseedaysa in lagu soo qabto Cumar Hammami.<br \/>\nNinkan ayaa waxaa loo haystaa dacwado ay ka mid yihiin inuu taageero urur argagixiso.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Omar Hammami oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab ayaa sheegay in uusan ka mid ahayn ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda, inkastoo uu weli isku heysto in uu yahay nin argagixiso ah. Laanta af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegtay in ay wareysi la yeelatay Cumar Hammami oo ku dhuumaaleysanaya keymo ku yaalla [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-17255","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17255","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17255"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17255\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17256,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17255\/revisions\/17256"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17255"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17255"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17255"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}