{"id":17253,"date":"2013-09-03T23:13:20","date_gmt":"2013-09-03T20:13:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=17253"},"modified":"2013-09-03T23:13:20","modified_gmt":"2013-09-03T20:13:20","slug":"marko-oo-caawa-uu-ku-hooyanayo-madaxweyne-xasan-iyo-kulamo-uu-kula-leeyahay-magaaladaas-maamulka-gobolka-shabeelaha-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/09\/marko-oo-caawa-uu-ku-hooyanayo-madaxweyne-xasan-iyo-kulamo-uu-kula-leeyahay-magaaladaas-maamulka-gobolka-shabeelaha-hoose\/","title":{"rendered":"Marko oo Caawa uu ku hooyanayo Madaxweyne Xasan iyo Kulamo uu kula leeyahay Magaaladaas Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ku sugan xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka ayaa halkaasi kulamo kula leh maamulka KMG ah ee gobolkasi ku sugan.<br \/>\nMadaxweynaha ayaa waxyaabaha uu Maamulka KMG ah ee Gobolka Shabeelaha Hoose kala hadlayo ka mid ah sidii loo adkeyn lahaa ammaanka, ka shaqeynta horumarinta adeegyada bulshada iyo arrimo kale.<br \/>\nEng, C\/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ah Afhayeenka Madaxtoyada Qaranka ayaa sheegay in kulanka looga hadli doono arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso amniga, isagoo intaa ku daray in Madaxweynuhu uu maamulka KMG ah iyo qaybaha bulshada u gudbin doono siyaasadda dowladda, shirka ka soconaya Muqdisho iyo shirka 16-ka bisha September ee sanadkan ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.<br \/>\nEng, Yariisow ayaa intaa raaciyay in Waqtigae uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ay kusuganyihiin gobolka Shabeelaha Hoose ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka ku dhaqan.<br \/>\nWafdi Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka gaashaandhiga C\/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Garsoorka C\/lahi Abyan Nuur, Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C\/kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo saraakiil ciidan.<br \/>\nMadaxweynaha iyo wefdigiisa oo saakay safar dhulka ah ku maray deegaannada  gobolka shabeelada  hoose ayaa intii ay jidka ku sii socdeen waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo qaarkood sitay boorar uu madaxweynaha ku sawiranyahay iyo caleemo, kuna dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku soo dheweynayaan wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ku sugan xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka ayaa halkaasi kulamo kula leh maamulka KMG ah ee gobolkasi ku sugan. Madaxweynaha ayaa waxyaabaha uu Maamulka KMG ah ee Gobolka Shabeelaha Hoose kala hadlayo ka mid ah sidii loo adkeyn lahaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-17253","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17253","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17253"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17253\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17254,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17253\/revisions\/17254"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17253"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17253"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17253"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}