{"id":17152,"date":"2013-08-27T00:07:30","date_gmt":"2013-08-26T21:07:30","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=17152"},"modified":"2013-08-30T03:29:04","modified_gmt":"2013-08-30T00:29:04","slug":"malaaqa-xamar-iyo-xamar-daye-oo-kasoo-horjestay-shirka-addis-ababa-ee-looga-hadlayo-arrimaha-jubbooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/08\/malaaqa-xamar-iyo-xamar-daye-oo-kasoo-horjestay-shirka-addis-ababa-ee-looga-hadlayo-arrimaha-jubbooyinka\/","title":{"rendered":"Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye oo kasoo horjestay shirka Addis Ababa ee looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka."},"content":{"rendered":"<p>Duubka  Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Coloow ayaa shir jaraa\u2019id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho uu kaga hadlay arrimo bada oo ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Somalia.<br \/>\nMalaaq Cali Malaaq SHowri ayaa ugu horeen ka hadlay shirka ka soconaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaasi oo  u dhaxeeyo Dowladda Somalia iyo Maamulka Gadoodka ahaa ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha Jabhadda Raas Kambooni.<br \/>\n\u201cwaa mid aan wanaagsanayn in ay kooxda Axmed Madoobe ku adkaystaan in la aqoonsado loona aqoonsado maamul goboleed islamarkaasna ay tahay mid aan lagala tashanin bulshada dega Jubbooyinka ayuu yiri Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Coloow.<br \/>\nDuubka Deegaanka Xamar Malaaaq Cali ayaa si kulul ugu soo horjeestay shirkaas isagoo sheegay in dowladda ay qaaday Tallaabo aysan ka fiirsanin islamarkaasna ay waxyaabo badan ay ka qaldan yihiin sida ay u wajahday wada xaajoodka Jubbooyinka oo ay siisay dad gaar ah hogaanka Maamulkaas.<br \/>\nSidoo kale wuxuu sheegay Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye in xukuumadda iyo Madaxweynaha ay ku fashilantay maaraaynta siyaasadda Somalia oo aysan waxbo ka qabanin amaanka dalka.<br \/>\nUgu dambeyn ayuu Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye ugu baaqay Mudanayaasha Baarlamaanka inay mooshin xil ka qaadis ah ay ka keenaan Xukuumadda iyo Madaxweynaha oo ay keenaan dad kale oo wax wanaagsan qaban kara.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Duubka Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Coloow ayaa shir jaraa\u2019id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho uu kaga hadlay arrimo bada oo ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Somalia. Malaaq Cali Malaaq SHowri ayaa ugu horeen ka hadlay shirka ka soconaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaasi oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-17152","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17152","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17152"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17152\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17155,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17152\/revisions\/17155"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17152"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17152"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17152"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}