{"id":17088,"date":"2013-08-22T18:28:14","date_gmt":"2013-08-22T15:28:14","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=17088"},"modified":"2013-08-22T18:28:14","modified_gmt":"2013-08-22T15:28:14","slug":"dowlada-sweden-oo-ka-hadashay-weerar-muqdisho-loogu-geystay-haweeney-dalkaas-u-dhalatay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/08\/dowlada-sweden-oo-ka-hadashay-weerar-muqdisho-loogu-geystay-haweeney-dalkaas-u-dhalatay\/","title":{"rendered":"Dowlada Sweden oo ka hadashay weerar Muqdisho loogu geystay haweeney dalkaas u dhalatay"},"content":{"rendered":"<p> Wasaaradda Arrimaha dibedda dowlada Sweden ayaa waxay sheegtay in kooxo hubeysan ay magaalada Muqdisho ku weerareen siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiga bidix ee dalkaas.<\/p>\n<p>Afhayeen u hadashay wasaarada arrimaha dibeda ee dowlada Sweden Camilla Akesson Lindblom ayaa sheegtay in siyaasiyiintaas ay Muqdisho u tegeen barnaamij ku saabsan horumarinta waxbarashada Somalia.<\/p>\n<p>\u201dHaweeney Sweden u dhalatay ayaan xaqiijineynaa in Muqdisho lagu dhaawacay, waxaana la dhigay Isbitaalka AMISOM ee Muqdisho, waxaana loo sii gudbin doonaa Nairobi, si halkaas loogu daweeyo\u201d ayay tiri Camilla.<\/p>\n<p>Abdirahim Hassan oo 24 jir ah, isla markaana ka tirsanaa Dhalinyarada Xisbiga V\u00e4nsterpartiet turjubaana ahaa ayaa weerarkaas lagu dilay, halka Ann-Margarethe Livh oo ah xubin sare oo ka ah xisbiga ay dhaawacantay, waxaana lagu weeraray bannaanka hore Jaamacad ay seminaar kaga soo qeyb galeen.<\/p>\n<p>Haweeneyda Swedishka ah ee la dhaawacay Ann-Margarethe Livh ayaa markii Magaalada Muqdisho ay tagtay waxay barteeda Twitterka ku qortay in ay safar deg deg ah ku tagtay Muqdisho, kaasoo ay sheegtay iney hadiyad uga dhigtay duqa magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p> Guddoomiyaha Xisbiga V\u00e4nsterpartiet ee dalka Sweden Jonas Sj\u00f6stedt oo la hadlay TV-ga SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in ay si weyn uga xun yihiin geerida naxdinta leh ee ku timid Abdirahim Hassan iyo dhaawaca loo geystay Ann-Margarethe Livh, isagoo tacsi u diray ehelada ay ka soo jeedaan.<\/p>\n<p>Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa waxaa uu sheegay iney socdaan baaritaan ku saabsan weerarkaas oo uu sheegay iney fuliyeen rag aan heybtooda la garan oo ku lebisnaa dareyska ciidamada dowlada Somalia<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaaradda Arrimaha dibedda dowlada Sweden ayaa waxay sheegtay in kooxo hubeysan ay magaalada Muqdisho ku weerareen siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiga bidix ee dalkaas. Afhayeen u hadashay wasaarada arrimaha dibeda ee dowlada Sweden Camilla Akesson Lindblom ayaa sheegtay in siyaasiyiintaas ay Muqdisho u tegeen barnaamij ku saabsan horumarinta waxbarashada Somalia. \u201dHaweeney Sweden u dhalatay ayaan xaqiijineynaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-17088","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17088","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17088"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17088\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17089,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17088\/revisions\/17089"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17088"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17088"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17088"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}