{"id":17034,"date":"2013-08-15T22:43:03","date_gmt":"2013-08-15T19:43:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=17034"},"modified":"2013-08-15T22:43:03","modified_gmt":"2013-08-15T19:43:03","slug":"taliska-amisom-oo-sheegay-inuu-baarayo-kufsi-lagu-eedeynayo-qaar-ka-mid-ah-askartooda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/08\/taliska-amisom-oo-sheegay-inuu-baarayo-kufsi-lagu-eedeynayo-qaar-ka-mid-ah-askartooda\/","title":{"rendered":"Taliska AMISOM oo sheegay inuu baarayo kufsi lagu eedeynayo qaar ka mid ah askartooda."},"content":{"rendered":"<p>Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay iney baarayaan falal kufsi ah oo mudooyinkii ugu dambeeyey lagu eedeeynayey iney ku kaceen qaar ka mid ah ciidamadooda ka howlgala Somalia.<br \/>\nMaalmo ka hor ayaa haweeney Soomaali ah waxay sheegtay in ciidamo Soomaali ah ay xoog ku kaxeeyeen, ka dibna u geeyeen ciidamada AMISOM ee degan xerada Maslax halkaasoo ay sheegtay in lagu kufsaday si naxariis daro ah.<br \/>\n \u201cSi looga sal gaaro xaqiiqada waxaanu u saarnay iney eedeymahan baaritaan ku sameeyaan guddi isugu jira saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwo Soomaali ah\u201d ayaa lagu yiri war ka soo baxay AMISOM<br \/>\nTaliska AMISOM ayaa sheegay iney cambaareynayaan kufsiga iyo xad gudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyed, iyagoo xusay iney ciqaab adag marin doonaan haddii qaar ka mid ah askartooda lagu helo falalka noocaas ah.<br \/>\nCiidamada AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore loogu eedeeyey iney geysteen falal kufsi ah oo ay kula kaceen haween Soomaaliyed hase ahaatee ma jirin cid wax iska weydiisay.<br \/>\nHeyadaha xuquuqda aadanaha caalamka qaarkood ayaa horey ugu eedeeyey ciidamada dowlada qaarkood iney falal kufsi ah u geystaan haweenka Soomaalida ee ku nool xeryaha barakacayaasha Muqdisho.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay iney baarayaan falal kufsi ah oo mudooyinkii ugu dambeeyey lagu eedeeynayey iney ku kaceen qaar ka mid ah ciidamadooda ka howlgala Somalia. Maalmo ka hor ayaa haweeney Soomaali ah waxay sheegtay in ciidamo Soomaali ah ay xoog ku kaxeeyeen, ka dibna u geeyeen ciidamada AMISOM ee degan xerada Maslax halkaasoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-17034","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17034","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17034"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17034\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17035,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17034\/revisions\/17035"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17034"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17034"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17034"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}