{"id":17033,"date":"2013-08-15T22:47:56","date_gmt":"2013-08-15T19:47:56","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=17033"},"modified":"2013-08-15T23:14:26","modified_gmt":"2013-08-15T20:14:26","slug":"golaha-wasiirada-oo-maanta-ka-hadlay-goaanka-msf-iyo-qodobo-kalewarsaxaafadeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/08\/golaha-wasiirada-oo-maanta-ka-hadlay-goaanka-msf-iyo-qodobo-kalewarsaxaafadeed\/","title":{"rendered":"Golaha Wasiirada oo maanta ka hadlay go\u2019aanka MSF iyo qodobo kale+Warsaxaafadeed."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/08\/Golaha-Wasiirada.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/08\/Golaha-Wasiirada.jpg\" alt=\"Golaha Wasiirada\" width=\"800\" height=\"533\" class=\"alignleft size-full wp-image-17042\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/08\/Golaha-Wasiirada.jpg 800w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2013\/08\/Golaha-Wasiirada-300x199.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/a>Muqdisho, August 15, 2013&#8212;-Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon \u201cSaacid\u201d, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen go\u2019aankii hay\u2019adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn MSF iyo eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo gabar Soomaaliyeed sheegtay in loogu geystay Xerada Maslax ee duleedka Muqdisho.<br \/>\nGolaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii ka dooday xaaladda amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waxaana goluhu ay warbixin ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, isaga oo xusay in todobaadkii ugu dambeeyey xaaladdu magaaladu ay aheyd mid degan isla markaana ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen 17 Unug oo ka tirsan kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab, kuwaasoo khalkhal gelinayay amniga shacabka, wuxuuna xusay in hay\u2019adduhu ay weli si adag ula tacaalayaan xaqiijinta iyo sugida amniga.<br \/>\nGolaha Wasiirada ayaa sidoo kale, ka dooday go\u2019aanka hay\u2019adda dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ee MSF, kaasoo ay ku sheegtay in 16-ka bishan August ay joojineyso dhamaamba adeegyadii ay ka fulin jirtay gebi ahaan gobolada dalka Soomaaliya.<br \/>\nWasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada Drs. Maryam Khaasim ayaa gabagabada shirka golaha kadib, waxay warbaahinta u sheegtay in golaha Wasiiradu ay ka codsadeen hay\u2019adda MSF in sii wado adeegyadii kala duwanaa ee ay ka fulineysay dalka, waxayna xustay in dawladdu ay aad uga walaacsan tahay go\u2019aankan oo qatar ku ah kumamaan shacabka taagta daran ee Soomaaliyeed.<br \/>\n \u201cGo\u2019aanka hay\u2019adda MSF aadban uga xunahay waxaana ka codsaneynaa inay ka noqdaan go\u2019aankooda iyaga oo eegaya dhibaatada ballaaran oo ka dhalankarta ka bixida Soomaaliya iyo joojinta gargaarka\u201d ayay tiri Drs. Maryam Khaasim oo intaasi sii raacisay \u201cGo\u2019aankan wuxuu si gaar ah u saameynayaa caruurta iyo haweenka Soomaaliyeed ee ka faa\u2019iideysan jiray howlaha caafimaad iyo gargaar ee MSF\u201d.<br \/>\nDrs. Maryam Khaasim ayaa xustay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimada koowaad siineyso illaalinta hay\u2019addaha ka howlgala dalka ee ku howlan caawimaada shacabka Soomaaliyeed, waxayna si gaar ah ugu ammaantay hay\u2019adda MSF sida ay ugu soo dhabar adeygtay xaaladdii adkeyd ee mudadii 22-ka sano.<br \/>\nDhanka kale, Afhayeenka Xukuumada ayaa Saxaafada u faah faahiyay eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo ay sheegtay gabar Soomaaliyeed inay u geysteen ciidamo ka tirsan kuwa nabad illaalinta ee AMISOM, kuna sugan Xerada Maslax ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in golaha Wasiiradu ay ka doodeen arrintan loona saaray guddi soo baara dhacdadan foosha xun.<br \/>\n \u201cDawladda Soomaaliyeed marna uma dul qaadaneyso falal lid ku ah xaquuqda aadanaha, gaar ahaana kufsiga iyo tacadiyada kale ee loo geysto dadka taagta daran, sharciga ayaana la tiigsan doonaa cid kasta oo lugyeelata\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon mar uu ka hadlayay kulanka golaha Wasiirada.<br \/>\nGarad Salad Hersi<br \/>\n Press officer, PM office<br \/>\n Mob.+252-61-5536608<br \/>\n Mogadishu, Somalia <\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, August 15, 2013&#8212;-Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon \u201cSaacid\u201d, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen go\u2019aankii hay\u2019adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn MSF iyo eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo gabar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-17033","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17033","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=17033"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17033\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17043,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/17033\/revisions\/17043"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=17033"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=17033"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=17033"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}